Kylian Mbappe Oo Shaaca Ka Qaaday Kooxda Uu Ka Ciyaari Doono Xili Ciyaareedka Dambe & Real Madrid Oo Heshay Jawaabtii Ay Sugaysay

LIVE U DHAGEYSO WARKII MAANTA :-0017124329950 USA 7124329950

Advertisements

Xiddiga da’da yar ee reer France ee Kylian Mbappe ayaa xaqiijiyey in xili ciyaareedka dambe uu kusii sugnaan doono kooxdiisa PSG oo uu kula dedaali doono sidii ay guulo u gaadhi lahayd.

21 jirkan ayay soo baxayaan warar sugnaan la’aan ka dhigaya mustaqbalkiisa Paris Saint-Germain,  iyadoo heshiiska uu kula jiro kooxdani uu ku egyahay xagaaga 2022 oo ay laba sannadood ka hadhsan yihiin.

Real Madrid oo laacibkan doonaysa ayaa qorshaysa in ay ku qanciso in xili ciyaareedka soo socda uu sii joogo PSG si uu dhamaad ugu dhowaado heshiiskiisu oo xagaaga dambe ay lacag jaban ugu heli karto, isaguna ugu cadaadin karo kooxda reer France in la iibiso si aanu qaab bilaash ah ugaga tegin sannadka xiga.

Advertisements

Mbappe oo warbaahinta la hadlay markii ay soo dhamaatay ciyaar saaxiibtinimo oo ay Celtic 4-0 ku garaaceen galabnimadii Salaasada ayaa waxa uu sheegay in sannad afraad uu sii joogi doono kooxdan, isla markaana uu uu doonayo inuu kula guuleysto koobab.

“Kaliya waxaan doonayaa inaan idiin sheego in aan sannadkii afraad mashruucan kasii mid ahaan doono.” Ayuu yidhi Mbappe, waxaanu raaciyey: “Qof kasta, maamulka, taageereyaasha… waxaan doonayaa inaan halkan sii joogo, wax kasta oo ay igu qaadanayso.

“Waxaan doonayaa inaan ka caawiyo kooxda inay koobab ku guuleysato oo aan noqdo kan ugu wanaagsan dunida.”

Sida laga dhadhaqansanayo hadal Mbappe, waxa kaliya uu hubaa inuu xili ciyaareed kale sii joogayo, laakiin muu xaqiijin in mustaqbalkiisa uu u hibaynayo PSG, waxaanu hadalkaasi waafaqsan yahay qorshihii Real Madrid ay u dejisatay laacibkan.

Advertisements
Advertisements

Laacib.net

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net


Source: warkii.com

Sports News
WARARKII