Kulankii Maanta Ee Golaha Shacabka Oo Baaqday Iyo Sababta Oo La Shaaciyay

0

Maanta oo sabti ah ayaa waxaa lagu waday in Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ay kulan ku yeeshaan Xaruntooda Magaalada Muqdisho,hayeeshee waa uu baaqday.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa ku dhawaaqay in kulankii Maanta ay yeelan lahaayeen Golaha uu u baaqday sababo la xiriira Kooram la’aan.

Ajendaha Kulankaas ayaa waxaa uu ahaa U codeynta H/Sharciyeedka Dhismaha Guddiga ladagaalanka Musuq – maasuqa.

Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka ayaa waxaa xalay loo diray fariimo ku aadan in uu jiro kulan,isla markaana looga baahan yahay inay ka soo qeyb galaan kulankaas,hayeeshee kooram la’aan ayuu u baaqday.

Dhinaca kale Guddoomiyaha Golaha Shacabka mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa digniin u diray xubnaha inta badan ka maqan kulamada, isagoo xusay in xeer hoosaadka lala tiigsan doono xildhibaankii sabab la”aan u maqnaada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here