Ku-Simaha Ra’iisul Wasaaraha Dalka Oo Magacaabistii Ugu Horreysay Sameeyay

LIVE U DHAGEYSO WARKII MAANTA :-0017124329950 USA 7124329950

Reading Time: < 1 minute

Ku simaha Ra’iisul Wasaaraha Xukuunadda Federaalka Soomaaliya ahna Ra’iisul Wasaare ku-xigeenkii dalka Mahdi Maxamed Guuleed Khadar ayaa Magacaabay Xoghayaha Joogtada ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya.

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Mahdi Maxamed Guuleed ayaa waxaa xilka Xoghayaha Cusub ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha si KMG ah  loogu magacaabay inuu noqdo Cabdirasaaq Xuseen Aadan.

Sidoo kale Cabdirasaaq Xuseen ayaa waxaa uu bedelayaa Axmed Nuur oo ahaa Xoghayihii hore ee Xafiiska Ra’iisul Wasaarihii Xukuumadda Xasan Cali Kheyre, kadib markii Maanta kalsoonida lagala noqday Xukuumaddii Kheyre.

Magacaabista uu sameeyay Mahdi Guuleed ayaa noqoneysa midii ugu horreeysay ee uu sameeyay, kadib markii saacado kahor uu Madaxweyne Fatmaajo u Magacaabay ku-simaha KMG ah ee Ra’iisul Wasaaraha dalka Soomaaliya.

Hoos ka Akhriso Wareegtada Magacaabista.

.fb_iframe_widget_fluid_desktop iframe {
width: 100% !important;
}

The post Ku-Simaha Ra’iisul Wasaaraha Dalka Oo Magacaabistii Ugu Horreysay Sameeyay appeared first on Muqdisho Online. Caasimada Muqdisho.


Source: warkii.com

Sports News
WARARKII