Kooxda Premier League Ee Uu Ku Biirayo Xiddiga Ka Tagaya Liverpool Adam Lallana Oo La Ogaaday

LIVE U DHAGEYSO WARKII MAANTA :-0017124329950 USA 7124329950

Advertisements

Adam Lallana ayaa lagu waramayaa inuu ogolaaday heshiis seddex sannadood ah uu ugu wareegayo kooxda Premier League ka dhisan ee Brighton.

Xiddiga England ayaa si xor ah ku baxaya isbuuca danbe isagoo soo gabagabeynaya lix sannadood uu joogay Liverpool.

Laacibka khadka dhexe ayaa ku soo xiri doona waayihiisa ciyaareed ee Liverpool kulanka ay berri oo Axad ah la ciyaarayaan Newcastle.

Advertisements

Lallana oo 32 sanno jir ah ayaa is arkay isagoo ka maqan shaxda Anfield xilli ciyaareedkan iyadoo kooxda Jurgen Klopp ay koobka horyaalka ka fara maroojisatay Man City.

Wuxuu saxiixay heshiis waqti gaaban oo uu qandaraaska ku kordhinayo bishii la soo dhaafay si uu xilli ciyaareedka u la dhameysto kooxda madaama Korona Fayras uu waqti badan ku daray xilli ciyaareedkan.

Xiddiga khadka dhexe ayaa helay biladiisa ku guuleysiga horyaalka Premier League habeenkii Arbacada ka dib markii ay 5-3 ku xaaqeen kooxda Chelsea.

Lallana oo Liverpool uga soo biiray Southampton sannadkii 2014 ayaa Reds u saftay 128 kulan oo Premier League ah, wuxuu dhaliyay 30 gool mudadii uu joogay Anfield.

Wuxuu kooxda la gaaray guulihiisii ugu waa weynaa abid iyagoo sannadkii la soo dhaafay ee 2019 ku guuleystay seddexda koob ee kala ah Club World Cup, UEFA Super Cup iyo UEFA Champions League.

Lallana ayaa fariin macsalaameyn ah soo dhigay barihiisa bulshada iyadoo la filayo in ciyaartoyda Liverpool ay maamuus u sameyn doonaan berri madaama uu xiranayo maaliyada Reds markii ugu danbeysay.

Advertisements
Advertisements

Laacib.net

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net


Source: warkii.com

Sports News
WARARKII