Kooxda Juventus oo guul daro 0-1 ah kala kulantay Kooxda Empoli, CR7 oo durba laga tabay kooxda

Kooxda Juventus ayaa caawa guul daro xanuun badan kala kulantay kooxda u soo dalacday horyaalka heerka 1aad ee Serie A Empoli, Ciyaar ku soo dhamaatay 0-1.

Sharaxaada Ciyaarta.

Juventus oo fasaxday dhaliyaheeda ugu weynaa ee kooxda Ronaldo kaasi oo ku biiray kooxda Manchester United ayaa kulankeeda ugu horeeyay ku bilaabatay guul daro.

Xidiga Leonardo Mancuso ayaa Kooxda Empoli ka saaciday goolka guusha qeybta hore gaar ahaan daqiiqadii 21aad ee ciyaarta iyadoo qeybta labaad aan waxba leeska dhalin.

Juventus ayaa hada raadineysa dhaliye cusub si isku soo dhisto kulamada xiga.

Shaxda Kulanka

Juventus XI: Bonucci, Szczesny, Cuadrado, Danilo, Sandro, Dybala, Rabiot, Bentancur, De Ligt, Chiesa, McKennie

Subs: Chiellini, Pinsoglio, Perin, Morata, De Sciglio, Rugani, Bernardeschi, Locatelli, L.Pellegrini, Kulusevski, F. Ranocchia, Nicolò Fagioli

Empoli XI: P. Stojanović, L. Mancuso, Luperto, G. Vicario, N. Haas, R. Marchizza, Cutrone, F. Bandinelli, A. Ismajli, N. Bajrami, S. Ricci

Subs: A. La Mantia, Tonelli, S. Romagnoli, L. Štulac, A. Brignoli, J. Furlan, R. Fiamozzi, Liam Henderson, Pinamonti, S. Żurkowski, F. Parisi, M. Viti

Kulanka Xiga

Juventus ayaa kulanka xiga la ciyaareysa kooxda Napoli

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda

Source: warkii.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here