Kooxda Inter Milan oo 6-1 uga badisay kooxda Bologna Horyaalka Serie A Taliyaaniga

kooxda Inter Milan ayaa ku ceel baxday kooxda Bologna kadib guul daradii kasoo gaartay Real Madrid kulankeeda ugu danbeeyay waxana ay ku badiyeen 6-1.

Kulanka oo ka dhacay Garoonka Giuseppe Meazza ee Inter Milan ayaa goolashada lagu daah furay Daqiiqadii 6aad iyadoo xidiga Lautaro Martinez uu hogaanka u dhiibay kooxda.

Milan Skriniar iyo Nicolo Barella ayaa isla qeybta hore ee ciyaarta ku darsaday labo gool iyadoo qeybta hore lagu kala nastay 3-0.

isku soo laabadka qeybta labaad Daqiiqadii 54aad Inter Milan ayaa heshay goolkeeda 4aad waxana ka caawiyay Matias Vecino ka hor inta uusan labo gool ku darin Edin Dzeko Daqiiqadihii 63aad iyo 68aad ee ciyaarta.

Kooxda Bologna oo kulankan soo bandhigtay ciyaarta aad u leedata ayaa heshay goolka calanka dhamaadka ciyaarta daqiiqadii 86aad waxana u dhaliyay Arthur Theate iyadoo ciyaarta ku soo dhamaatay 6-1.

Inter Milan ayaa kaalinta 1aad kaga jirta horyaalka marka la fiiriyo guusha caawa waxana ku soo Xiga Roma oo kulan u harsanyahay iyo Ac Milan.

Shaxda ay ku soo bilowdeen labada Koox

Inter XI: Handanovic, De Vrij, Vecino, Brozovic, Skriniar, Correa, Dimarco, Barella, Dumfries, Lautaro, Bastoni

Subs: Sanchez, Perisic, Darmian, Kolarov, A. Cordaz, Dzeko, Ranocchia, D’Ambrosio, Calhanoglu, Gagliardini, Radu, M. Satriano

Bologna XI: De Silvestri, Arnautovic, Medel, Skorupski, Soriano, Sansone, Bonifazi, Svanberg, Dominguez, Olsen, A. Hickey

Subs: Santander, F. Bardi, Soumaoro, Dijks, Mbaye, Orsolini, Vignato, Barrow, S. van Hooijdonk, L. Binks, A. Theate, W. Amey

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: warkii.com