Kooxda Daacish ee Somalia ee khasaare xooggan lagu gaarsiiyey dagaal dhacay

LIVE U DHAGEYSO WARKII MAANTA :-0017124329950 USA 7124329950

Boosaaso (warkii.com) – Wararka laga helayo gobolka Bari ayaa sheegaya in uu isa soo tarayo khasaaraha ka dhashay dagaal u dhexeeyey ciidamada daraawiishta maamulka Puntland iyo kooxda Daacish ku dhexmaray qeybo ka mid ah gobolkaasi.

Dagaalka ahaa oo mid culus ayaa dhacay shalay gelinkii dambe, kadib markii ciidamada maamulka Puntland ay weerar ku qaadeen fariisimo ay dagaalyahanada Daacish ay ku leeyihiin deegaanka lagu magacaabo Timirshe oo hootega degmada Isku Shuban.

Ilo deegaanka ah ayaa sheegay in dagaalka ay ka horreysay duqeyn lagu garaacay deegaankaas oo ay ku xoogan tahay kooxda Daacish.

Inta la xaqiijiyey waxaa dagaalkaasi lagu dilay illaa 8 xubnood oo ka tirsanaa Daacish, iyadoona lagu burburiyey illaa laba baabuur oo ay laheyd kooxdaasi.

Xaaladda ayaa haatan mid aad u kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo xoogan laga dareemayaa dhulka buuraleyda ee gobolka Bari.

Muddooyinkii dambe Puntland ayaa xoojisay howl-gallada ay ka wado deegaanada maamulkaasi, gaar ahaan meelaha ay ku sugan yihiin Al-Shabaab iyo Daacish.


Source: warkii.com

Sports News
WARARKII