Kooxda Chelsea oo Ganaax kala kulantay Xiriirka Kubada Cagta Ingariiska kadib Ficilkii Ciyaartoyda

Xidhiidhka kubadda cagta Ingiriiska ayaa shaaciyey ganaax ay ku rideen Chelsea kaddib ficilladii ay ciyaaryahannadeedu ku kaceen kulankii Liverpool ay martida ugu ahaayeen August 28 ee kusoo dhamaaday barbaraha 1-1.

Ciyaartoyda Chelsea ayaa gadood ka sameeyey kulankaas markii uu garsoore Anthony Taylor kaadh cas siiyey kaddib markii uu gacan ku qabtay kubbad sii dhalanaysay qaybta hore, waxaana lagu dhigay rikoodhe uu gool u beddelay Mohamed Salah oo barbarreeyey gool uu waqti hore Kai Havertz u saxeexay Blues.

Garsoore Taylor ayay isku xeereen ciyaartoyda Chelsea oo ka gadoodsanaa go’aanka casaanka iyo rikoodhaha wada socday, waxaanay ku doodayeen in gacantu ay ahayd mid xidhan oo aan lagu qaadi karaynin rikoodhe.

War-saxaafadeed uu FA-gu soo saaray ayaa waxa lagu sheegay in Chelsea lagu ganaaxay lacag dhan £25,000  Gini kaddib markii ay ciyaartoydeedu laba jeer jabiyeen sharciga qodobka E20.1 ee sharciga FA-ga.

Xidhiidhka kubadda cagtu waxa kale oo uu sheegay in Chelsea ay ku guul-darraysatay inay xakamayso ciyaartoydeeda iyo inay si fiican u dhaqmaan, gaar ahaan daqiiqaddii 48aad ee qaybta hore iyo waqtigii nasashada.

Chelsea ayaa hore loogu qabtay muddo toddobaad ah inay kasoo jawaabto eedayntii hore ee ganaaxa oo toddobaad ka hor uu xidhiidhka kubadda cagta Ingiriisku ka dalbaday Blues inay jawaab iyo faahfaahin kusoo bixiso.

Si kastaba, Chelsea ayaa £25,000 Gini ku shubi doonta xisaabta xidhiidhka kubadda cagta Ingiriiska ee FA, lamana sheegin inay rafcaan ka qaadan karayaan.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda

Source: warkii.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here