Klopp oo ka hadlay in Liverpool lasoo wareegeyso Badalka Sahal iyo Mane

Tababaraha kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa qishay in kooxdiisu ay suuqa bisha January geli karto iyadoo samayn karta saxeexyada bedelka u noqonaya xiddigaha ka aadaya koobka qaramada Africa.

Liverpool ayay tartanka koobka qaarada Africa ka tagi doonaan xiddigaheeda udub-dhaxaadka u aha weerarkeeda ee Mohamed Salah iyo Sadio Mane sidoo kale khadka dhexe ee Naby Keita.

Klopp oo ka hadlayay shirkiisa jaraa’id ee ka horreeya kulanka ay maanta Leeds United martida u yihiin ayaa sheegay in bixitaanka Salah iyo Mane ay la tacaali doonaan marka suuqu dib u furmo bisha January.

“Waanu ognahay (In Salah iyo Mane ay maqnaan doonaan), waa inaanu la tacaalnaa waananu la tacaali doonaa, sidee? January ayaynu arki doonaa” ayuu yidhi tababarihii hore ee Borussia Dortmund.

“Dadku waxay haatan odhan doonaan waa inaanu la saxeexano laba weeraryahan oo leh tayada Sadio iyo Mo, taasi xal ma noqon karto maadaama oo aanaan samayn karaynin, sidaas darteed waa inaanu xal raadino January”

Bisha January suuqeeda ayaa lagu yaqaanaa inuu yahay mid adag oo aan ciyaaryahano heer sarre ah badi laga helin balse waxa isha lagu hayn doonaa dhaq-dhaqaaqad Reds.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: warkii.com