Kismaanyo oo soo dhawayn doonta madaxdii ugu cuslayd ee tagta Caleemasaar

Waxaa magaalada Kismaanyo ka socda qaban qaabada soo dhawaynta madaxda kala duwan ee ka qayb gali doonta caleemasaarka Madaxweyne Axmad Maxamed Islam (Axmad Madoobe). Waxaa la filayaa in caleemaraaskaas  ay ka qayb galaan madaxdii ugu badnayd ee Soomaali ah oo ka qayb gasha caleemasaar  loo sameeyay madaxweyne dowlad goboleed.

Sida ay noo xaqiijiyeen xildhibanada ka tirsan Aqalka Sare iyo Golaha Shacabka, waxaa la filayaa in ay ka qayb galaan caleemasaarka Axmad Madoobe in ka badan 126 xildhibaan oo ka tirsan labada aqal ee dowlada Fedaraalka. Xildhibaanada ayaa lagu soo daad-gurayn doonaa diyaarado qaasa oo ka soo bixi doona magaalooyinka Naiorbi, Muqdisho iyo Garowe. Waxaa sidio kale laga yaabaa in ay ka soo qaybglaan caleemasaarkaas Gudoomiyha Xigbiga UCID ee Somaliland Eng Fasal Ali Waraabe.

Dhanka kale waxa iyaga ka soo qayb gali dono caleema saarka wafuud ka kala socota wadamada dariska la ah Soomaaliya kuwaas oo isugu jira ganacsato iyo siyaasiyiin.

Ciidamada Amniga  ee Jubbaland oo ay ka garab shaqaynayaa nciidamada AMISOM ayaa sugi doono gabi ahaanba amniga magalaada Kismaanyo dhanka badda iyo cirka.

Dowlada Jubbaland ayaa sidoo kale waxa ay diyaar qaasa ku soo qaadi doontaa saxaafadda caalamiga oo ka kal asocda wakaaladaha wararka ee Afrika iyo Carabta , kuwaas oo isugu imaan doonaan magaalada Nairobi maalinta talaadada ah halkaas oo la soo qaadi doono. Wariyayaashaas ayaa sidoo kale booqan doono qayb galo duwan oo ka tirsan degaanka Jubbaland si ay u soo indha indheeyaan horumarka ay ku tilaabsatay Jubbaland.

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

UK TEL 03306060934

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here