Khilaaf sababay in ciidanka PSF-ta Puntland ay soo baneeyaan furimaha dagaalka

Wararka aan ka heleyno magaalada Boosaaso ee gobolka Bari ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan maamulka Puntland ay gudaha u soo galeen kadib markii ay saakay isaga soo baxeen difaacyadii ay uga jireen buuraleyda Galgala ee gobolka  Bari.

Ka bixitaanka ciidamadaas ee buuraleyda Galgala ayaa la sheegay inuu yimid, kadib markii khilaaf xoog leh uu soo kala dhexgalay saraakiisha hoggaaminaysa ciidanka ka howlgalayey halkaas iyo madaxda ugu sareysa maamulka Puntland.

Ma jiraan weli wax war ah oo ka soo baxay madaxtooyada maamulka Puntland oo ku aadan  ciidamadan ka tirsan PSF-ta Puntland ee isaga soo baxay difaacoodii buuraleyda Galgala ee gobolka Bari oo ay qeybo ka mid ah gacanta ku hayaan dagaalamayaasha Daacish.

Sidoo kale Al-Shabaab  ayaa ku sugan qeybo ka mid ah gobolka Bari ee Puntland, kuwaas oo marar badan weeraro ku qaaday deegaano uu ka mid yahay deegaanka Af-Urur oo ay weerareen in ka badan labo goor.

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

UK TEL 03306060934

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here