Kheyre oo shir albaabada u xiran yahay la leh maamul goboleedyada

LIVE U DHAGEYSO WARKII MAANTA :-0017124329950 USA 7124329950

Reading Time: < 1 minute

Waxaa xilligan uu shir u socdaa Ra’iisul Wasaare Kheyre iyo Madaxweynayaasha 5-ta dowlad Goboleed, kulanka ayaa ka socda Hoyga Ra’iisul Wasaaraha, waxaa ka horreeyay kulan gaar ahaa oo dhex maray Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland Saciid Deni iyo Axmed Madoobe.

Waxaa aad u adag in war rasmi ah laga helo kulamadan gaar gaarka u ah Madaxda, iyadoo ay yihiin kuwo albaabada u xiran oo xogta laga heli karo aanay sahlaneyn.

Kulankan ayaa qeyb ka ah kulamo gaar gaar ah oo Madaxda dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada ka yeelanayaan sidii jSi wanaagsan iyo is faham ugu bilaaban lahaa shirkooda dhowaan furmaya

.fb_iframe_widget_fluid_desktop iframe {
width: 100% !important;
}

The post Kheyre oo shir albaabada u xiran yahay la leh maamul goboleedyada appeared first on Muqdisho Online. Caasimada Muqdisho.


Source: warkii.com

Sports News
WARARKII