Kheyre oo markale bedelay mowqifkiisii nooca doorashada

LIVE U DHAGEYSO WARKII MAANTA :-0017124329950 USA 7124329950

Reading Time: 2 minutes

Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre ayaa bedelay mowqifkiisa ahaa in doorashooyinka soo aadan lagu galo hanaan ay kawada heshiiyeen daneeyeyaasha, sida Muqdisho  Online ay ogaatay 

Khayre oo aragtidiisa tirro laba jeer ah ku caddeeyay kulanka Golaha Wasiiradda ayaa tan iyo markii uu ka degay caasimadda Galmudug ee Dhuusaamareeb ka shaqeynaya meelmarinta damaca Madaxtooyadda Soomaaliya.

Wasiirka koowaad ee xukuumadda federaalka ayaa shirar gaar ah oo Dhuusamareeb uu kula yeeshay hogaanka HirShabelle iyo Koonfur Galbeed ugu soo bandhigay in ay taageeraan qorshaha dowladda talada haysa.

Kulamadaas ayaa dhacay maalin kadib markii madaxweyneyaasha Galmudug, Puntland iyo Jubbaland ay Garowe u tageen Aaska madaxweynihii hore ee Puntland iyo ra’iisul wasaarihii hore ee dowladii ku meelgaarka ahayd.

Dhowr illo wareed ayaa u xaqiijiyey warkii.com Maxamed Cabdi Waare iyo Cabdicasiis Laftagareen aysan soo dhaweyn dalabka kaga yimid Khayre.

Kheyre ayaa ka laabtay hamigiisii aha in uu is sharaxo kaddib markii uu ogaaday in ay adag tahay in loo doorto xilka Madaxweynaha maadaama saaxadda siyaasadda looga bartay khiyaano joogta ah ayna adag tahay in lahelo cid aamineyso.

Siyaasiyiinta iyo shacabka Dhuusamareeb ayaa sheegay in ay rajeynayeen in hadaladii horey uga soo yeeray Khayre ee ku saabsanaa doorashooyinka ay horseedi doonan isbedel marka la isugu yimaado Dhuusamareeb.

Villa Soomaaliya ayaa si ku celcelisa ah u sheegtay in ay dooneyso in cod-bixinta 2020-21 ay noqoto qof iyo cod. Balse, maamulada oo ku shiray Dhuusamareeb waxay horaantii bishaan July isku raaceen in ay dhici karin.

Dowlad goboleedyadda ayaa ku baaqay in habka lagu aadayo doorashooyinka soo aadan ay noqoto mid heshiis siyaasadeed laga gaarey.

Sababaha loo cuskanayo in doorasho qof iyo cod aysan dalka ka qabsoomin karin waxaa kamida dastuurka oo aan la dhameystirin, amniga, Al-Shabaab oo dhul badan haysata iyo shuruuc aan diyaarsaneyn.

Madaxda dowlada federaalka ah ayaa u muuqda in ay bilaabeen olole siyaasadeed oo ay taageero ugu raadinayaan qorshahooda doorashada 2020-21 “si ay waji-gabax uga badbaadiyaan shirka guud ee dhowaan bilaabanaya”.

.fb_iframe_widget_fluid_desktop iframe {
width: 100% !important;
}

The post Kheyre oo markale bedelay mowqifkiisii nooca doorashada appeared first on Muqdisho Online. Caasimada Muqdisho.


Source: warkii.com

Sports News
WARARKII