Kheyre Oo Galabta Ka Degay Dh/mareeb & Dani Oo ku noqday Garowe

LIVE U DHAGEYSO WARKII MAANTA :-0017124329950 USA 7124329950

Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa galabta gaaray Magaalada Dhuusamareeb,Caasimada Galmudug.

Wafdiga Wasiirka Koobaad ayaa qaban qaabo xoog leh ilaa xalay socotay lagu soo dhaweenayo taas oo ugu dambeyn Casirkii uu tegay halkaasi.

Ra’iisal Wasaare Xasan Kheyre waxaa si wadajir ah garoonka diyaaradaha ugu soo dhoweeyeen sida Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoorqoor, Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe, Madaxweynaha Koofur Galbeed C/casiis Lafta Gareen iyo Madaxweynaha HirShabeelle Maxamed Cabdi Waare.

Warar ayaa sheegaya in Siciid Dani uusan qeyb ka aheyn Madaxdii soo dhaweysay Mudane Xasan Kheyre,kaas oo Dani ku noqday Garowe sida xogaha lagu ogaaday.

Wafdiga Kheyre waxa uu hordhac u yahay Madaxweyne Farmaajo oo ku wajahan Magaalada Dhuuso mareeb.


Source: warkii.com

Sports News
WARARKII