Kheyre “aniga Fahad ayaa ila dagaalay, Farmaajo iyo dalkana ninkaas baa qaribaya, ee Soomaali ha tashato”

LIVE U DHAGEYSO WARKII MAANTA :-0017124329950 USA 7124329950

Reading Time: < 1 minute

Xasan Cali Kheyre oo xalay kulan gaar ah la qaatay siyaasiyiin iyo ganacsato ka soo jeeda beesha Murasade ka dib markii uu sheegay in uu aqbalay go’aankii Baarlamaanka,  ayaa u sheegay  beesha in dagaalka lagu qaaday uu ahaa mid shaqsi ah oo uu ku qaaday Fahad Yasin oo wadamo shisheeye adeegsanayo.

Kheyre oo ay caro ka muuqato ayaa sheegay in Soomaaliya ay eersan doonto ninka lagu magacaabo Fahad Yasin, waxa uuna sheegay in dalka uu qafaal ugu jiro Fahad oo aan lahaynin damiir dadnimo iyo mid wadaniyadeed.

 “aniga Fahad ayaa ila dagaalay oo isticmaalaya Farmaajo, waxaana nasiib xumo ah in Farmaajo iyo dalkaba uu ninkaas qaribayo anaga oo indhaheena soo tagan yihiin ,  Soomaliya meel xun ayaa u danbeeyn doontaa  inta Fahad waxa uu doonayo ka yeelayo dalka” Ayuu yiri Kheyre oo ay ka muuqato ciil iyo caro.

Waxa uu hadalkiisa ku daray “Soomaali ha tashato, gaar ahaan shacabka reer Muqadisho.. wax ay hada arkeen wax ka sii daran ayaa ku soo socda hadii aan laga hortagin ninkaas MUJRIMKA ah”

Kheyre ayaa balan ku qaaday in uu qaadi doono talaabio kastaa oo uu kula diriri karo Fahad Yasin, isla-markaana uu ka aargoosan doono wixii uu ku sameeyay. Dhanka kale beesha Murasade ayaa wacad ku martay in ayan marnaba ogolaan doonin in qaataan bahdilkii uu Fahad ku sameeyay.

.fb_iframe_widget_fluid_desktop iframe {
width: 100% !important;
}

The post Kheyre “aniga Fahad ayaa ila dagaalay, Farmaajo iyo dalkana ninkaas baa qaribaya, ee Soomaali ha tashato” appeared first on Muqdisho Online. Caasimada Muqdisho.


Source: warkii.com

Sports News
WARARKII