Kenya Oo Mar Kale Ku Celisay Inay Difaaci Doonaan Xuduud-Baddeedka Ay Sheeganayaan

Waxaa sii kordhaya Dagaalka dhinaca Afka ee ay Dowladda Kenya iyo Warbaahintooda ku muujinayaan inay ka go’an tahay inay difaacdaan Xuduud-baddeedka lagu murunsan yahay, taasi oo ay Maxkamadda Calaamiga ee Garsoorka ee ICJ go’aan ka gaari doonto bisha soo socota ee September.

Afhayeenka Dowladda Kenya, Cyrus Oguna waxa uu mar kale sheegay inay Kenya iska difaaci doonaan nooc kasta oo weerar ah, waa sida uu hadalka u dhigay.

Hadalkiisa ayaa u muuqday inuu kaga jawaabay Wararka ku aadan inay Xildhibaanadda Barlamaanka Federalka Somalia u codeyn doonaan in Ciiddanka Kenya laga saaro gudaha Somalia, haddii ay Ciiddanka Badda ee Kenya loo daad-gureeyo Xuduud-baddeedka lagu murunsan yahay.

Somalia waxay dacwadda Muranka Kenya u gudbisay Maxkamadda ICJ, taasi oo la filayo inay bisha soo socoto dib u dhegeysato Kiiskaasi, waxaana laga yaabaa inay arrintaasi horseedi karo dagaal dhex mara labada Waddan.

Dhinaca kale, Wargeyska The Star ee ka soo baxa magaalladda Nairobi ayaa qoray in loo baahan yahay inay Dowladaha Kenya iyo Somalia ka baaqsadaan dagaal ka dhex qarxa, isla markaana ay wada gaaraan Heshiis Xeer Jajab ah, si ay Kheyraadka ku jira Xuduud-baddeedka lagu murunsan yahay u kala qeybsadadaan min 50%.

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

UK TEL 03306060934

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here