KASHIFAAD: Pierre-Emerick Aubameyang Oo Ku Qasbay Arsenal Inay Ka Iibiyaan Chelsea & Sababtii Uu Heshiiskaas U Burburay

LIVE U DHAGEYSO WARKII MAANTA :-0017124329950 USA 7124329950

Advertisements

Waxaa maanta soo shaac baxday in kabtanka Arsenal Pierre-Emerick Aubameyang inuu ku qasbay kooxda inay ka iibiyaan Chelsea bishii Janaayo, laakiin heshiiskaas wuxuu u burburay mushaharka qaaliga ah ee uu dalbaday.

Kabtanka Arsenal oo maanta ka horimaanaya kooxda Chelsea finalka FA Cup ayaa doonayay inuu baxo laakiin heshiis shaqsi ah ayuu la gaari waayay Blues.

Weeraryahanka reer Gabon oo ay hal sanno uga harsan tahay qandaraaskiisa Arsenal ee uu isbuucii qaato 200 kun ginni ayaa doonayay inuu si dhaqso ah u baxdo, sida ay maanta shaacisay jariirada Daily Mail

Advertisements

Wakiilada Aubameyang ayaa xiriir la sameeyay kooxda Frank Lampard ee Chelsea.

Waqtigaas tababare Lampard wuxuu kursiga keydka ku ilaaway Olivier Giroud iyadoo muhiimad ay u aheyd saxiixa gooldhaliye.

Waxaa lala xiriirinayay Timo Werner kaasoo ugu danbeyn heshiis 48 milyan ginni ah uga soo wareegay kooxda RB Leipzig.

Aubameyang oo 31 sanno jir ah ayaa dhaliyay 27 gool xilli ciyaareedkan tartamada oo dhan.

Waxaa la sheegay inuu doonayay inuu u dhaqaaqo Blues taasoo si weyn uga careysiin laheyd taageerayaasha Gunners.

Heshiiskii uu daafaca bidix Ashley Cole ugu wareegay kooxda ay London ku xafiiltamaan sannadkii 2006 ayaysan weli ilaawin taageerayaasha Gunners.

Laakiin Aubameyang ayaa la sheegay inuu weydiistay Chelsea mushahar ka dhigi lahaa xiddiga ugu mushaharka badan taariikhda kooxda.

Blues ayaa weli xiiseyneysa Aubameyang laakiin waxa doonayaan inuu hoos u dhigo dalabkiisa mushahar.

Waxaa jirta fursad xoogan oo uu haatan ku dhameysan karo sannadkii ugu danbeeyay ee qandaraaskiisa Emirates ka hor inta uusan si xor ah ku bixin.

Waxay taasi xaqiijin doontaa inuu helo mushaharka uu dalbanayo.

Advertisements
Advertisements

Laacib.net

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net


Source: warkii.com

Sports News
WARARKII