Karim Benzema oo xalay sameeyay Taariikh Cusub oo Horyaalka Spain ah

Karim Benzema ayaa qayb ka qaatay afar ka  mid ah lix goolashii ay Real Madrid Arbacadii ku xasuuqday Real Mallorca, waxaana loo diiwaangeliyey taariikh cusub oo xataa kooxdiisana sabab ugu noqday rikoodh ay ugu dambaysay ka badan soddon sannadood.

Xiddiga reer France ayaa xalay buuxsaday 200 gool oo uu u dhaliyey Real Madrid, isaga oo hadda kusii siqaya inuu jabiyo rikoodhada ciyaartoyda ugu goolasha badan kooxda marka  laga reebo Cristiano Ronaldo oo aanu waqtigu ku simaynin inuu soo qabto.

Laacibkan ayaa ku lug yeeshay 15 gool lix ciyaarood oo horyaalka La Liga ah oo ay Real Madrid ciyaartay, waxaanu dhaliyey siddeed gool, toddoba kalena caawiye ayuu ka noqday, waana rikoodh aanu hore u samaynin intii uu kooxdan u ciyaarayay.

Koox ahaan, Real Madrid ayaa dhalisay 21 gool lix ciyaarood oo horyaalka ah gudahood, waxaana ugu dambaysay inay tiro goolal intaas le’eg ka dhaliyaan horyaalka lixda kulan ee ugu horreeya, xilli ciyaareedkii 1987-88.

Carlo Ancelotti oo ciyaartii xalay kaddib la hadlay warbaahinta ayaa amaan kula dul-dhacay Karim Benzema waxaanu sheegay inuu yahay ciyaartoy ka badan weeraryahan dhaliye kaliya laakiin dhinac walba oo laga eego ciyaartoy dhamaystiran ah.

“Xaqiiqadu waxay tahay inuu dhalinayo goolal badan, sidoo kalena uu samaynayo caawin badan. Waa weeraryahan aan goolal oo kaliya dhalinayn. Waa ciyaartoy u dhamaystiran si walba.” Ayuu yidhi Ancelotti.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: warkii.com