Karim Benzema Oo Ka Soo Jawaabay Amaantii Uu Ka Helay Cadowgiisa Ahna Madax Waynaha FA-ga France Ee Noel Le Graet.

LIVE U DHAGEYSO WARKII MAANTA :-0017124329950 USA 7124329950

Advertisements

Karim Benzema ayaa afar kalmadood oo kaliya kaga soo jawaabay amaantii uu ka helay madax waynaha xidhiidhka kubbada cagta France ee Noel Le Graet kaas oo hore uga mid ahaa dadkii cadowga wayn ku noqday Benzema intii uu ku jiray go’doonka laga saaray waajibkii xulkiisa France.

Madaxweynuhu waxa uu amaanay bandhigga xiddiga reer France ee xili ciyaareedkan, waxaanu yidhi: “Xili ciyaareed heersare ah ayuu la qaatay Real Madrid. Anigu mar hore ayaan u hambalyeeyey Zinedine Zidane oo tababarihiisa ah.Hadda waxa uu Benzema ka mid yahay weeraryahannada ugu wanaagsan dunida”..

Noel Le Graet oo ka sii hadlayay Karin Benzema ayaa yidhi: “Miyuu yahay kan ugu wanaagsan? Anigu ma ihi qofka sheegay taas, sababtoo ah, maan daawanin ciyaar walba. Laakiin wuxuu sannadkan qaatay xilli ciyaareedkiisii ugu wanaagsanaa abid.”

Advertisements

Xidhiidhka Karim Benzema iyo madax waynaha xidhiidhka kubbada cagta France ee Noel Le Graet ayaa xili horeba burburay waxaana jiray waqtiyo ay si kulul warbaahinta iskugu weerareen. Bishii November ayuu Noel Le Graet qiray waxqabadka Benzema, isaga oo yidhi: “Waa ciyaartoy wanaagsan, laakiin xulka qaranka way uga dhamaatay isaga.”

Laakiin Karim Benzema ayaa markii uu helay waraysiga uu madax waynaha xidhiidhka kubbada cagta dalkiisa France ee Noel Le Graet uu isaga ku amaanay waxa uu go’aan ku gaadhay in uu afar kalmadood oo uu dareenkiisa ku muujiyay ku soo qoray luuqada Faransiiska.

Karim Benzema oo amaanta uga timid Noel Le Graet ka jawaabaya ayaa yidhi: “Waxaan ka door bidayaa in aan qoslo!!” wuxuuna dareen aan fiicnayn ka muujiyay hadalka amaanta ah ee uu ka helay Le Graet oo uu u arko ninka ugu sareeya ee dilay waayihiisii ciyaareed ee xulka France.

Xidhiidhka Benzema iyo Le Graet ayaa burburay intii uu xidigani ka maqnaa xulka France oo ah laga soo bilaabay tan iyo sanadkii 2015 kii waxaana jiray waqtiyo uu Benzema dareeno badan oo cadho leh muujiyay.

Si kastaba ha ahaatee, Karim Benzema oo soo qaatay xili ciyaareedkiisii waayihiisa ciyaareed ugu fiicnaa ayaa doortay in uu ku qoslo hadalka amaanta ah ee Noel Le Graet.

Advertisements
Advertisements

Laacib.net

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net


Source: warkii.com

Sports News
WARARKII