Kamaal Guutaale Oo Dhaq Dhaqaaq Siyaasadeed Ka Wada Magaalada Cadaado{Xog cusub }

Musharaxa madaxweynaha Galmudug Kamaal Guutaale ayaa dhaq dhaqaaq siyaasadeed oo uu ku kasabanayo kalsoonida Shacabka Galmudug ka wada magaalada Cadaado ee xarunta Baarlamaanka Galmudug.

Kamaal Guutaale ayaa ka mid ah musharaxiinta ugu cad cad ee u taagan xilka madaxweynaha Galmudug oo la filayo iney dhawaan lagu qabto magaalada Dhuusamareeb ee xarunta rasmiga ah maamulkaas,wuxuuna wadaa qorshe uu ku kasbanayo kalsoonida Shacabka iyo qaar ka mid ah Xildhibaanada la soo xulayo gaar ahaan kuwa deegaan doorashadooda ay tahay Cadaado.

Beesha Cadaado waxay si aad ah u dhaliilsan yihiin hannaanka dhismo ee maamulka Galmudug iyo sida ay Dowladda Federaalka u wajaheyso,waxayna sheegeen ineysan raali ka ahayn waxa ka socda magaalada Dhuusamareeb.

Musharax Kamaal Guutaale ayaa qeyb ka ah musharaxiinta mucaaradka kana soo galat tartanka doorashada Xisbiga Wadajir ee uu hoggaamiyo C/raxmaan C/shakuur Warsame,kaas oo Dowladda Federaalka si weyn ugu kacsan.

Dhanka kale, Villa Soomaaliya ayaa dhankooda u hanqal taageyso in doorashada uu ku soo baxo musharax iyagu hayin u ah,islamarkaana rabitaankooda ku shaqeeya.

Musharax Qoor Qoor ayaa la rumeysan inuu yahay musharaxa banaanka yaalo ee ay wadato Dowladda Federaalka,kaas oo saameyn ku leh doorashada Galmudug.

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

UK TEL 03306060934

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here