Kai Havertz Oo Ka Farxiyay Kooxda Chelsea & Talaabo Uu Qaaday Oo Keeni Doonta Inuu Ka Dego Stamford Bridge

LIVE U DHAGEYSO WARKII MAANTA :-0017124329950 USA 7124329950

Xiddiga Jarmalka Kai Havertz ayaa ka dalbaday kooxdiisa Bayer Leverkusen inay iibiyaan xagaagan iyadoo Chelsea ay diyaar u tahay inay xiddigaan kula soo wareegto lacag gaareysa 100 milyan ginni.

Xiddigaan 21 sanno jir ah ayaa soo jiitay xilli ciyaareedkan kooxaha ugu waa weyn Yurub isagoo wacdarro ka dhigay horyaalka Jarmalka.

Kooxaha Ingariiska ee Chelsea iyo Liverpool ayaa labaduba xiiseynayay xiddigaan, inkastoo kooxda hanatay horyaalka Premier League ay ka baxday tartanka ciyaaryahanka madaama aysan dooneynin inay bixiso lacagta ay dalbaneyso kooxda Bayer Leverkusen.

Chelsea ayaa haatan ugu cadcad saxiixa Kai Havertz iyagoo diyaar u ah inay bixiyaan qiimaha ay dalbaneyso kooxda Bayer Leverkusen sida ay sheegtay jariirada Bild.

Inkastoo Chelsea ay diyaar la tahay inay bixiso qiimaha ay dalbaneyso Bayer Leverkusen hadana waxay doonayaan inay si qeyb qeyb ah u bixiyaan lacagta, 62.9 milya euro ayay doonayaan inay si kaash ah ku bixiyaan halka 26 milyan ginni ay ku bixin doonaan qaab ha wareerinin ah.

Xiddigaan ayaa la sheegayaa inuu xiiseynayo inuu ku biiro Chelsea kuwaasoo qarka u saaran inay u soo baxaan Champions League xilli ciyaareedka danbe.

Laakiin Chelsea waxay tartan adag kala kulmeysaa kooxda Real Madrid kuwaasoo iyagana muddo dheer xiiseynayay saxiixa Kai Havertz.

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net


Source: warkii.com

Sports News
WARARKII