Juventus Vs Chelsea: Hordhaca Kulanka ugu Adag Champions league-ga, Christian Pulisic iyo xidigaha kale ee ka maqan

Kooxda heysata Champions League ee Chelsea ayaa dooneysa inay ka soo kabsato guuldaradii todobaadkii hore ka soo gaartay Manchester City, marka ay u safrayaan Juventus.

Kooxda reer Talyaani, ayaa dooneysa inay gaarto guusheedii afaraad shan kulan oo tartamada oo dhan ah iyo sidoo kale inay sii dheereysato rikoorkooda guuldarro la’aanta ah ee ay ka heysato Blues afar kulan.

Wararka Labada Kooxood

Juventus: Paulo Dybala iyo Alvaro Morata ayaa labaduba lagu qasbay inay ka baxaan kulankii Juventus ay 3-2 kaga badisay Sampdoria axadii, iyadoo Dybala uu ka maqnaa kulankii Chelsea.

Kaio Jorge iyo Arthur ayaa sidoo kale ka maqan kooxda ka ciyaarta Serie A.

Dejan Kulusevski ayay u badan tahay inuu ku xigeen u noqdo Dybala isagoo ka garab ciyaaraya Moise Kean afka hore.

Chelsea: Thomas Tuchel ayaa xaqiijiyay in Mason Mount, Reece James iyo Christian Pulisic ay dhamaantood ka maqan yihiin kulanka Juventus dhaawac dartii.

N’Golo Kante ayaa sidoo kale laga helay COVID-19 wuxuuna garoomada ka maqnaan doonaa ilaa fasaxa caalamiga ah kadib.

Jorginho ayaa dhaawac soo gaaray kulankii ay guuldarada kala kulmeen Manchester City Sabtidii laakiin Tuchel ayaa rajeyn doona inuu kulankan taam u noqdo marka loo eego halgankii hore ee Saul Niguez.

Thiago Silva ayaa qarka u saaran inuu ku soo biiro daafaca dhexe, iyadoo Cesar Azpilicueta uu u dhaqaaqi doono garabka midig si uu ugu daboolo James.

Hakim Ziyech iyo Kai Havertz ayaa sidoo kale saf ugu jira in dib loogu yeero iyadoo Mount uu dhaawacan yahay.

Shaxda Macquulka ee Labada Koox

Juventus: Perin; Danilo, Chiellini, Bonucci, Sandro; Bentancur, Locatelli, Ramsey; Chiesa, Kean, Kulusevski

Chelsea: Mendy; Christensen, T. Silva, Rudiger; Azpilicueta, Kovacic, Jorginho, Alonso; Havertz, Lukaku, Werner

Xaqiiqooyinka Labada Kooxood

Kulankan ayaa noqon doona kulankii shanaad ee dhexmara kooxaha Juventus iyo Chelsea ee tartanka UEFA Champions League, iyadoo labada kooxood ay mid walba diiwaan gelisay min hal guul afartii hore (D2).

 Juventus ayaa badisay kulankeedii ugu dambeeyay ee tartankan, iyadoo 3-0 ku badisay garoonkeeda wareega group-yada xilli ciyaareedkii 2012-13.

Juventus ayaa badisay 11 ka mid ah 12-kii kulan ee ugu dambeeyay ee heerka group-yada UEFA Champions League, iyadoo laga badiyay 0-2 kulankii Barcelona bishii October 2020. Waxay shabaqeeda ilaashadeen todobo kulan seddaxdoodii ugu dambeysayna waxay ku dhamaadeen 3-0, oo ay kaga adkaadeen Dynamo Kyiv, Barcelona iyo Malmö FF.

Tan iyo bilowgii xilli ciyaareedkii hore, Chelsea ayaa laga dhaliyay kaliya afar gool 14 kulan oo UEFA Champions League ah (W10 D3 L1), iyadoo ilaashatay 10 kulan shabaqeeda oo aan marnaba laga dhalin wax ka badan hal kulan. 

Juventus Vs Chelsea

Tartanka  Champions league

Saacada (22:00pm Somalia) (21:00pm Yurub)

Garoonka Allianz Stadium

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: warkii.com