Juventus Oo Lagu Qasbay Inay U Dib U Dhigato Xafladda Hanashada Horyaalkii 9aad Oo Xidhiidh Ah

LIVE U DHAGEYSO WARKII MAANTA :-0017124329950 USA 7124329950

Advertisements

Kooxda kubadda cagta Juventus ayaa laga hor joogsaday inay caawa u dabbaal-degto hanahsada horyaalka Serie A markii sagaalaad oo xidhiidh ah, waxaana isbaaro u dhigatay Udinese oo martigelisay.

Juventus oo 3,000 maalmood soo ahayd horyaalka Talyaaniga ee Serie A, ayaa u tagtay Udinese, waxaana haddii ay soo badin lahaayeen ay u dabbaal-degi lahaayeen koobka oo ay caawa ku guuleysan lahaayeen iyadoo afar ciyaarood ka hadhsan yihiin dhamaadka xili ciyaareedka.

Matthijs de Ligt ayaa Juventus hoggaanka u dhiibay daqiiqaddii 42aad ee qaybta hore, laakiin markii lagu soo laabtay qaybta dambe ee ay toddoba daqiiqadood oo kaliya socotay ayay Udinese heshay goolka barbarraha oo uu madax ugu dhaliyey Ilija Nestorovski.

Advertisements

Cristiano Ronaldo iyo xiddigaha Old Lady ayaa u baahnaa inay la yimaaddaan gool labaad oo ay saddexda dhibcood ee kaliya koobku kaga xidhan yahay ku helaan, hase yeeshee Fofana ayaa orod uu kasoo bilaabay badhtamaha garoonka, waxa uu kusoo dhaafay Alex Sandro oo difaaca bidix ee Juventus ah ka hor intii aanu xerada ganaaxa dhexdeeda goysmo ku kala dirin De Ligt.

Goolhaye Wojciech Szczesny oo kusoo baxay ayuu Fofana kubadda ka hoos saaray waqitigii dhimashada iyadoo uu garsooruhu isku diyaarinayo inuu afuufo siidhiga dhamaadka, waxaana Udinese ay sidaas ku heshay guusha ciyaarta iyadoo Juventus ku garaacday 2-0.

Juventus ayay guul-darradani ku qasbaysaa inay sugto dabbaal-degga iyo hanashada horyaalka illaa maalinta Axadda ah oo ay garoonkeeda ku martigeli doonto Sampdoria.

Juventus ayaa shantii kulan ee ugu dambeeyey hal mar oo kaliya guuleysatay, waxaana ka badiyey kooxaha Udinese iyo AC Milan, halka ay barbarro wada galeen Atalanta iyo Sasoulo, waxaana kaliya ay ka adkaadeen Lazio oo muddo dheer ku haysatay hoggaanka laakiin hadda u degtay kaalinta 4aad.

Old Lady oo hoggaanka ku haysa lix dhibcood oo nadiif iyadoo saddex ciyaarood hadhsan yihiin, waxa fursad siiyey saddexda kooxood ee ka hooseeya ee Atalanta, Inter Milan iyo Lazio oo dhamaantood min hal ciyaar oo kaliya soo badiyey shantii kulan ee ugu dambeeyey.

Horyaalka Serie A oo la ciyaaray 35 kulan, waxa hoggaaminaysa Juventus oo haysata 80 dhibcood, waxaana ku xiga Atalanta, Inter Milan iyo Lazio oo kala leh 74, 73 iyo 70 dhibcood.

Advertisements
Advertisements

Laacib.net

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net


Source: warkii.com

Sports News
WARARKII