Juventus oo 3-2 uga badisay kooxda Spezia, Juve oo Xaqiijisay guusheeda ugu horeesay ee Horyaalka

Matthijs de Ligt ayaa dhaliyay goolkii ugu muhiimsanaa iyadoo Juventus ay guul ka gaartay Spezia isla markaana ay si habsami leh u xaqiijisay guushoodii ugu horreysay ee Serie A xilli ciyaareedkan.

Ku guuldareysiga Garoonka Stadio Alberto Picco ayaa ka dhigeysa in Bianconeri ay guul gaarto kulankeeda shanaad bilowga xilli ciyaareedkan iyadoo sidaasi ugu danbeesay 1955-56.

Kooxda Massimiliano Allegri ayaa goolka koowaad ka heshay Moise Kean daqiiqadii 28aad sidaas oo ay tahay Spezia ayaa heshay goolka barbaraha Daqiiqadii 33aad waxana u dhaliyay Emmanuel Gyasi iyadoo lagu kala nastay 1-1.

qeybta labaad Spezia ayaa hogaanka qabatay xidiga Janis Antiste ayaa gool dhaliyay daqiiqadii 49aad, xidiga Federico Chiesa ayaa ciyaarta ka dhgiay 2-2 66aad ka hor inta uusan De Ligt xaqiijin guushii ugu horreysay ee juventus ciyaarta oo ka dhiman. 18 daqiiqo.

Maxaa xiga

Juve ayaa martigelin doonta Sampdoria kulan ka tirsan Serie A Axadda, halka Spezia ay Milan ku soo dhaweynayso Stadio Alberto Picco maalin ka hor.

Shaxda lagu soo bilaabay Ciyaarta

Spezia XI: Zoet, M. Bourabia, D. Nikolaou, S. Bastoni, E. Gyasi, Verde, Amian, Hristov, G. Maggiore, Salvador Ferrer, J. Antiste

Subs: J. Sala, I. Provedel, M. N’Zola, R. Manaj, Salcedo, D. Strelec, J. Kiwior, S. Podgoreanu, Petar Zovko, Nicolò Bertola

Juventus XI: Bonucci, Szczesny, Danilo, De Sciglio, Dybala, Rabiot, Bentancur, De Ligt, Kean, Chiesa, McKennie

Subs: Cuadrado, Ramsey, Sandro, Pinsoglio, Perin, Morata, Rugani, Bernardeschi, Locatelli, L.Pellegrini, Kulusevski

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: warkii.com