Juventus 3-2 Sampdoria: Juve oo guul muhiim ah gaartay Xili Dybala dhaawac lagu saaray

kooxda Juventus ayaa guul 3-2 ka gaartay kooxda Sampdoria iyadoo kulankan dhaawac looga saaray xidiga Dybala kaasi oo ilmeenayay xiliga la saaray.

Juventus ayaa u muuqata mid dib u heleysa guulaheeda muhiimka ahaa tan iyo markii uu ka tagay xidiga Ronaldo oo ku biiray kooxda Man United.

P. Dybala oo kulanka dhaawac looga saaray ayaa gool u daah-furay Juventus ka hor inta uusan gool rigoore ku darin L. Bonucci, lakin dhamaadka qeybta hore kooxda Sampdoria ayaa heshay gool uu u dhaliyay xidiga M. Yoshida daqiiqadii 44aad iyadoo lagu kala nastay 2-1.

Qeybta labaad ee ciyaarta juventus ayaa sii dheereesatay hogaanka ciyaarta iyadoo xidiga M. Locatelli uu gool u dhaliyay daqiiqadii 57aad, kooxda Sampdoria oo kulanka sameesay awood dheeraad ah ayaa heshay goolkeeda labaad dhamaadka ciyaarta daqiiqadii 83aad lakin kuma filnaan inay ciyaarta bar-baro ka dhigaan guud haan kulanka ayaa ku soo dhamaaday 3-2.

Juventus ayaa hada ku jirta booska 9aad ee horyaalka kadib xeer xun ay ku bilowday horyaalka.

Maxaa xiga

Juve ayaa wajaheysa kulan aad u weyn oo Champions League ah oo ay gurigeeda kula yeelan doonto kooxda  Chelsea Arbacada, halka Samp ay Udinese ku madadaalin doonto Serie A Axadda soo socota.

Shaxda ciyaarta lagu soo bilaabay

Juventus XI: Bonucci, Cuadrado, Sandro, Perin, Morata, Dybala, Bernardeschi, Locatelli, Bentancur, De Ligt, Chiesa

Subs: Szczesny, Chiellini, Ramsey, Danilo, Pinsoglio, De Sciglio, Rugani, L.Pellegrini, Kean, Kulusevski, McKennie

Sampdoria XI: Quagliarella, Yoshida, Candreva, Ekdal, F. Caputo, Bereszynski, Murru, O. Colley, M. Thorsby, E. Audero, Depaoli

Subs: Adrien Silva, N. Ravaglia, E. Torregrossa, T. Augello, W. Falcone, A.Ferrari, J. Chabot, M. Damsgaard, Kristoffer Askildsen, S. Trimboli, R. Drăgușin, R. Ciervo

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: warkii.com