Jubbaland Oo Ka Hadashay Dilkii Loo Geystay Nabadoon Saciid Adoon

Kadib markii xalay Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose lagu dilay Nabadoon Siciid Ciise Cabdi oo kamid ahaa ganacsatada deegaanka Jubbaland ayaa waxaa arrintaas ka hadashay dowlad Goboleedka Jubbaland.

Afhayeenka Wasaaradda amniga Jubbaland Cabdinuur Ibraahim Xuseen ayaa tacsi u diray guud ahaan umadda Soomaaliyeed gaar ahaana dadka Jubbaland,isagoona Marxuumka Alle uga baryay inuu Janada ka waraabiyo.

Sidoo kale Afhayeenka ayaa waxaa sheegay in laamaha amniga Jubbaland ay wadaan baaritaanno kala duwan oo lagu raadinayo kooxihii ka dambeeyay dilka Nabadoon Siciid Ciise Cabdi.

Rag ku hubeysanaa Bastoolado ayaa xalay xaafadda Calanley ee Magaalada Kismaayo ku dilay Nabadoon Siciid xili uu kasoo baxay Salaaddii cishaha, isla markaana uu kusii jeeda Hoy uu halkaas ka deganaa,hayeeshee rag hubeysan ay rasaas la dhaceen.

Magaalada Kismaayo ayaa waxaa xiliyada qaar ka dhaca dilal qorsheysan oo loo geysto Nabadoonada kunool halkaas,iyadoona ay xusid mudan tahay in dhowr bilood kahor laba Nabadoon oo Caan ahaa lagu toogtay halkaas.

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

UK TEL 03306060934

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here