Jubbaland Oo Deg Deg Kulan Ula Qaadatay Murashaxiinta & Arimo Culus Oo Laga Hadlay

0

Murashaxiinta la tartami doonta Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) ayaa waxay maanta ka qeyb galeen Kulan deg deg ah ay iskugu yeertay wasaarada Amniga Jubbaland.

Waxa Kulankaasi Shir gudoon ka ahaa Wasiirka Amniga Jubbaland C/rashiid Xasan Janan iyagoo kawada hadlay Murashaxiinta iyo Wasaarada Amniga ka shaqeynta Nabad gelyada.

Murashaxiin ay ka mid ahaayeen C/rashiid Xiddig,Sheekh Daahir Axmed C/laahi iyo C/naasir Seeraar Maax ayaana wasaarada ay kulanka wada qaateen.

Waxa Wasiir Janan uu ka codsaday Murashaxiinta aysan Carqalad Amni xumo iyo Arbushaad u horseedin Doorashada inta ay ka dhaceyso Magaalada Kisamaayo.

Hadda waxa ka dhiman muddo Labo bil ka yar Doorashada guud Ee Baarlamaanka iyo mida Jubbaland ka dhaceysa xilli mar kale uu Axmed Madoobe doonayo markii 3aad inuu Jubbaland hogaaminteeda kusoo baxo.

Murashaxiinta ayaa waxay yihiin kuwo isku dhaarsaday is hortaag ay ku sameeyaan Axmed Madoobe,iyadoo wasiir Oomaar ay Dawlada wadato ay ubadan tahay in Doorashadasi uu ka qeyb qaato.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here