Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howl-gal ciidamada Jubbaland ay xalay ka sameeyeen gudaha Kismaayo, kadib markii weerar loo adeegsaday bam gacmeed lagu qaaday guri uu magaaladaasi ka dagan yahay guddoomiye ku xigeenka labaad ee baarlamaanka maamukaasi, Cabdi Baaley.

Weerarka oo ay fuliyeen rag hubeysan ayaa waxaa ku dhaawacmay 3 qof oo ka mid ah ehellada guddoomiyaha oo isagu guriga ka maqnaa marka uu dhacayey weerarka.

Wararka ayaa sheegaya in weerarka kadib ay goobta tageen ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka Jubbaland oo sameeyey baaritaano kooban, iyada oo gacanta ku dhigay shaqsiyaad u badan dhalinyaro, kuwaas oo lagu tuhmayo inay fuliyeen weerarkaasi.

Shaqsiyaadka gacanta lagu dhigay ayaa isugu jira kuwo qaarkood socday oo howl-galka la kulmay iyo kuwo loogu tegay goobo ay ku caweynayeen.

Saraakiisha ammaanka Jubbaland weli wax faah faahin ah kama bixin howl-galkaasi iyo weerarka ka horreeyey intaba.

Magaallo xeebeedka Kismaayo waxaa muddooyinkii la soo dhaafay ka dhacay weeraro iyo dilal qorsheysan oo badi ay sheegteen dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here