Jose Mourinho Oo Magacaabay Goolhayaha Ka Fiican David de Gea Ee Man United U Dheeli Kara Xilli Ciyaareedka Soo Socda

LIVE U DHAGEYSO WARKII MAANTA :-0017124329950 USA 7124329950

Advertisements

Jose Mourinho ayaa lagu waramayaa inuu aaminsan yahay in Dean Henderson uu ka fiican yahay David de Gea iyadoo tababare Ole Gunnar Solskjaer uu go’aan ka gaarayo goolhayihiisa koowaad.

Goolhayaha reer Spain ayaa qaab ciyaareed kale oo xun ku soo bandhigay kulankii ay guuldarro 3-1 ka soo gaartay Chelsea ee semi-finalkii FA Cup.

Taageerayaasha Man United ayaa ku baaqay in De Gea kursiga keydka la dhigo ka dib markii si sahlan loogu garaacay seddexdii gool ee ay dhalisay Blues.

Advertisements

Solskjaer ayaa si joogta ah u difaacayay goolhayihiisa 1aad laakiin isaga xitaa sabarkii ayaa ka dhamaaday Axadii isagoo sheegay in De Gea ay aheyd inuu badbaadiyo darbadii Mason Mount.

Taageerayaasha qaar ayaa dalbanaya in goolhayahooda amaahda ku jooga Sheffield United Henderson inuu goolhayaha reer Spain ka bedelo ilaalinta shabaqa xilli ciyaareedka soo socda.

Sida ay haatan sheegtay Manchester Evening News, Mourinho ayaa sidoo kale jecel Henderson isagoo muddo kooban kula soo shaqeeyay Man United.

The Special One ayaa aaminsan in Henderson uu ka fiican yahay De Gea, laakiin ma qorsheynayo inuu saxiixa 23 jirkaan kula tartamo Chelsea.

Bishii September, Mourinho ayaa ku canaantay madaxda Man United inay heshiis cusub ay ka saxiixeen De Gea isagoo isbuucii qaadanaya 370 kun ginni.

Ma ahan markii ugu horeysay ee uu David de Gea wajaho cadaadis ceynkaan oo kale ah isagoo todobo jeer ka badbaaday qaladaad waa weyn uu sameeyay.

Solskjaer ayaa la sheegayaa inuu ka fiirsanayo inuu De Gea keyd geliyo oo uu soo safo Sergio Romero kulankooda ugu danbeeya xilli ciyaareedka Premier League ee ay Axada la ciyaarayaan Leicester City.

Red Devils ayaa wadahadal la leh 23 jirka Dean Henderson isbuucaan iyagoo go’aansanaya xiddiga noqon doona goolhayahooda koowaad xilli ciyaareedka soo socda.

Advertisements
Advertisements

Laacib.net

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net


Source: warkii.com

Sports News
WARARKII