Jose Mourinho Oo Ka Duceystay Kooxihiisa Hore Ee Chelsea & Man United Isagoo U Qabqabtay Leicester City Oo Kula Tartameysa Boosaska Champions League

LIVE U DHAGEYSO WARKII MAANTA :-0017124329950 USA 7124329950

Advertisements

Tababare Jose Mourinho ayaa ka duceystay kooxihiisa hore ee Chelsea iyo Man United ka dib markii ay kooxdiisa Tottenham 3-0 ku xaaqday kooxda Leicester City oo tartan weyn ugu jirtay u soo bixitaanka Champions League ee xilli ciyaareedka danbe.

Leicester City ayaa weli ku jirta kaalinta afaraad iyagoo leh 62 dhibcood, waxay isku dhibco yihiin Man United oo kulan uu u harsan yahay madaama ay caawa ciyaareyso FA Cup halka ay hal dhibic ka danbeeyaan Chelsea oo seddexaad ku jirta islamarkaana uu kulan u harsan yahay.

Tottenham ayaa iyadana dhankeeda sarre u soo qaaday u soo bixitaankeeda Europa League ee xilli ciyaareedka danbe iyagoo ku jira kaalinta 6aad, waxayna leeyihiin 58 dhibcood.

Advertisements

Tottenham ayaa guul xili ciyaareedka kooxdeeda muhiimad waynu leh waxay ka gaadhay kooxda Leicester City waxayna guushani saamayn layaableh ku yeelatay tartanka loogu jiro Champions League iyo Europa League.

Kooxaha Manchester United iyo Chelsea oo kulankooda FA Cupka ku mashquulsan ayaa caawin wayn ka helay macalinkoodii hore ee Jose Mourinho oo guuldaro wayn u xambaariyay kooxda ay United iyo Blues ka seexan waayeen ee Leicester City.

Tottenham ayaa soo noolaysay rajadeeda kaalmaha Europa League loogu soo baxayo waxayna culays wayn saartay kooxaha badan ee ay Arsenal ugu magaca wayn tahay ee u tartamaya kaalmaha Europa League loogu soo baxayo.

Tottenham waxaa goolka furitaanka hadiyad uga dhigay xidiga kooxda Leicester City ee James Justin kaas oo isla daqiiqadii 6 aad ee bilawgii kulankan gool iska dhaliyay si uu Spurs ugu abuuro ku bilaabashadii ugu fiicnayd ee ay doonayeen.

Laakiin farxada Jose Mourinho ayaa sii laba jibaarantay daqiiqadii 37 aad markaas oo uu Harry Kane dhaliyay goolka labaad ee ay Spurs xaalada ugu sii xumaysay Leicester City.

Tababare Branden Rodgers ayaan xal u helin dhibaatada kooxdiisa eelabada gool looga dhaliyay waxayna taasi keentay in Tottenham ay bilawday sidii ay ciyaarta xili horeba u dili lahayd.

Xaalada Leicester City ayaa musiibo isku sii badashay daqiiqadii 40 aad kadib markii uu Harry Kane dhaliyay goolkiisa labaad ee ciyaarta iyo kan saddexaad ee kooxdiisa Spurs waxayna natiijadu noqotay 3-0 ay Tottenham hogaanka ku dheeraysatay.

Qeybtii labaad waxba iska bedelin natiijada ciyaarta iyadoo ciyaarta ay ku soo dhamaatay 3-0 oo ay guusha ku raacday Tottenham kuwaasoo sarre u qaaday u soo bixitaankooda Europa League ee xilli ciyaareedka danbe.

Advertisements
Advertisements

Laacib.net

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net


Source: warkii.com

Sports News
WARARKII