Jorginho oo Erayo ku darsaday Sheekada Lukaku ee Chelsea iyo Xidigo kale oo ka hadlay Xidigan

Xiddiga qadka dhexe ee kooxda Chelsea iyo xulka Talyaaniga Jorginho ayaa ammaan u jeediyay saaxiibkiis Romelu Lukaku .

Weeraryahanka reer Belguim ayaa dhaliyay goolka kaliya ee ciyaarta Blues kulankii furitaanka wareega group -yada Champions League ee ay la ciyaareen Zenit St. Petersburg.

Chelsea ayaa ku bilaabatay difaacashadeeda Champions League bilowgii ugu fiicnaa waxaana u mahadceliyay Lukaku, Jorginho ayaana aaminsan in weeraryahanku uu muhiim u yahay kooxda.

Jorginho ayaa yiri, The Sun : “Waxay yiraahdeen wax badan buu shaqeeyaa, wax badan wuu caawin karaa, wuxuu isku dayaa inuu hadlo, si adag buu u shaqeeyaa.

“Runtii aad ayaan ugu faraxsanahay inuu dhab ahaantii caawinayo qof walba.

“Taasi waa waxa qof walba halkan ku sameeyo, waxaan isku daynaa inaan is caawino – wuxuuna la yimid maskax wanaagsan, isagoo shaqeynaya oo isku dayaya inuu caawiyo.

“Sidaa darteed runtii aad ayaan ugu faraxsanahay isaga sidoo kale maxaa yeelay si aad ah ayuu u shaqeeyaa inta lagu jiro tababarka wuuna u qalmaa gool kasta.

sheekada Lukaku waxaa kaloo ka hadlay

Toni Rudiger ayaa yiti shaki kuma jiro kooxda ku guuleysatay Champions League ee Chelsea inay horumar sameysay iyadoo ay ugu wacan tahay ku biirinta Romelu Lukaku .

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: warkii.com