Jesse Lingard oo Sharuud ku Xiray Heshiis kordhinta Kooxda Manchester United

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka England ayaa doonaya dammaanad qaadka waqtiga uu ku ciyaarayo Old Trafford

Jesse Lingard ayaa iska diiday dalab qandaraas ah oo uga yimid Manchester United, sida ay sheegtay  ESPN .

Lingard ayaa noqon doona wakiil xor ah xagaaga soo socda kooxda ayaana rajeyneysa inay ku qanciso inuu sii joogo, laakiin wuxuu doonayaa dammaanad qaadka booskiisa kooxda ka hor inta uusan ballan qaadin heshiis cusub.

Xidigan ayaa Wac-daro dhigay kulankiisa ugu danbeeyay ee Xulka Qaranka England isagoo dhaliyay labo gool.

Sidoo kale ayuu Waqti feecan ku soo qaatay kooxda West Ham United kadib amaah uu halkaasi ku joogay.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda

Source: warkii.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here