Jeneraal Odowaa oo kulan degdeg ah isugu yeeray teliyeyaasha kala duwan ee ciidamada

Taliyaha Ciidamada Soomaaliya, Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage, ayaa waxa uu kulan degdeg ah isugu yeeray taliyeyaasha kala duwan ee talisyadda Ciidamada Qalabka ee difaaca Qaranka.

Warar xog ogaal ah ayaa xaqiijinaya in kulamadaasi oo ka dhici doona Muqdisho looga arrin-sanayo sidii loo dardargelin lahaa howlgalada ka socda waddanka ee ka dhanka ah xoogaga Al-Shabaab.

Xogta ayaa intaasi ku dareysa in ay isla soo qaadi doonan isbedelo lagu sameynayo talisyadda guutooyinka kala duwan ee ciidanka xoogga, gaar ahaan kuwa ka howlgala gobolada Jubooyinka.

Qorshahan oo ay Madaxtooyadda gedaal ka riixeyso ayaa ujeedkiisu wuxuu yahay sidii loo fulin lahaa balanqaadkii madaxweyne Farmaajo intii uu olaha ku jiray, kaasi oo ah xorreynta degaanada ay Al-Shabaab haysato.

Farmaajo ayaa waxaa haatan u hartay hal sano iyo bilooyin, waxaana calaamad su’aal ay dul-saaran tahay sidda ay ku suurtogeli karto in AlShabaab laga saaro qeybaha haatan baaqiga ku ah gacanteeda.

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

UK TEL 03306060934

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here