James Milner, N’Golo Kante Iyo 11 Ciyaartoy Oo Horyaalka Premier League Kula Guuelystay Laba Kooxood Oo Kala Duwan

LIVE U DHAGEYSO WARKII MAANTA :-0017124329950 USA 7124329950

Advertisements

James Milner ayaa noqday ciyaartoygii ugu dambeeyey ee laba kooxood oo kala duwan kula guuleysta horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League, tan iyo intii magaca cusub loo bixiyey xili ciyaareedkii 1991/92.

Reds ayaa soo afjartay 30 sannadood oo ay ka qatanayd horyaalka Premier League, waxaana Arbacadii oo ay 5-3 ku garaaceen isla garoonka Anfield lagu guddoonsiiyey koobka ay muddada dheer sugayeen.

Laakiin Liverpool waxay xisaab ahaan koobka ugu guuleysatay 27 maalmood ka hor, waxaase lala sugayay inta ciyaaruhu ka dhamaanayaan, iyadoo ugu dambayntiina kulanka ugu dambeeya horyaalka ee ay garoonkooda ku ciyaarayyaan koobka lagu siiyey.

Advertisements

Inkasta oo aanay 30 sannadood koobka horyaalka ku guuleysanin, haddana Liverpool waxa kaliya oo hal koob dhaaftay Manchester United oo hadda ay isasoo gaadheen.

Milner ayaa guusha koobka ku galay liiska dhif iyo naadirka ah ee xiddigaha laba kooxood oo kala duwan kula guuleystay horyaalka, waxaana uga horreeyey 10 laacib oo kale oo qaarkood ay isku koox usoo ciyaareen.

James Milner ayaa laba jeer koobka la qaaday Manchester City, waxaanay ahaayeen xili ciyaareedyadii 2011/12 iyo 2012/13 ka hor intii aanu Liverpool qaab bilaash ah ugu soo wareegin.

Halkan kaga bogo James Milner iyo 10 ciyaartoy oo kale oo laba kooxood kula guuleystay horyaalka Premier League

1. Riyad Mahrez – Leicester City iyo Manchester City

2. Ashley Cole – Arsenal iyo Chelsea

3. Kolo Toure – Arsenal iyo Manchester City

4. N’Golo Kante – Leicester City iyo Chelsea

5. Gael Clichy – Arsenal iyo Manchester City

6. Carlos Tevez – Manchester United iyo Manchester City

7. Nicolas Anelka – Arsenal iyo Chelsea

8. Henning Berg – Blackburn Rovers iyo Manchester United

9. Mark Schwarzer – Chelsea iyo Leicester City

10. Robert Huth – Chelsea iyo Leicester City

11. James Milner – Manchester City iyo Liverpool

Advertisements
Advertisements

Laacib.net

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net


Source: warkii.com

Sports News
WARARKII