Jadwalka Koobka Adduunka 2022 Ee Qatar Oo La Soo Saaray iyo Taariikh Aan Waligeed La Ciyaarin Koob Adduun Oo La Dheeli Doono

LIVE U DHAGEYSO WARKII MAANTA :-0017124329950 USA 7124329950

Advertisements

Koobka Adduunka ee Qatar lagu qabanayo sannadka 2022, waxaa maalin walba la ciyaari doonaa afar kulan iyadoo kulanka finalka uu dhici doono isbuuc ka hor ciida masiixiga.

Koobka Adduunka ayaa si rasmi ah u bilaaban doona 21ka bisha November 2022, iyadoo markii ugu horeysay abid la qabanayo koobka waqtiga qaboobaha madaama xagaaga ay aad u kulushahay Qatar.

Labada isbuuc ee ugu horeysay tartanka, taageerayaasha waxay daawan doonaan maalin walba afar kulan iyagoo waqtiga la ciyaarayo uu sahlan tahay dadka jooga Afrika, Bariga Dhexe iyo Yurub.

Advertisements

Kulamada waxay dhici doonaan 1pm, 4pm, 7pm iyo 10pm Waqtiga Geeska Afrika.

Wareega group-yada waxaa la soo gabagabeyn doonaa 2da bisha December iyadoo wareega 16ka la ciyaari doono inta u dhaxeysay 3da iyo 6da bisha December.

Taageerayaasha ayaa la siin doonaa nasasiinayo yar ka hor inta uusan wareega sideeda dhicin inta u dhaxeysa 9ka iyo 10ka bisha December.

Wareega semi-finalka waxaa la ciyaari doonaa 13ka iyo 14ka bisha December.

Finalka waxaa lagu qaban doonaa magaalada Doha ee warkii.com Qatar 18ka bisha December.

Kulanka furitaanka waxa uu ka dhici doonaa garoonka Lusail Stadium ee ku yaaqa warkii.com Qatar iyadoo xaflada furitaanka ay bilaaban doonto 5ta galabnimo.

Garoonka Lusail Stadium wuxuu ka mid ah todoba garoon cusub oo loo dhisay Koobka Adduunka. Wuxuu qaadaa 80 kun taageerayaal ah.

Advertisements
Advertisements
Laacib.net

Laacib.net

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net

Laacib.net


Source: warkii.com

Sports News
WARARKII