Jaaliyada Somaliyeed Ee Turkiga Oo $7500 Dollar Ugu Deeqday Gurmadka Baladweyne

Jaaliyada Soomaaliyeed ee Wadanka Turkiga ayaa labo Maalin gudahooda waxay kusoo aruuriyeen lacag gaaraysa $7500 ((Todobo kun iyo Shan boqol )) oo loogu talagalay dadkii Baladweyne ku saameeyay fatahaada Wabiga Shabeelle.

Lagactan ayaa waxaa laga soo uruuriyay Jaaliyada Soomaaliyeed kunool Magaalada Istanbul iyo deegaanada kale ee ku teedsan, isla markaana ay ku sugan yihiin Soomaali badan.

Gudoomiyaha Jaaliyada Soomaaliyeed ee dalka Turkiga Shiiq Maxamed ayaa waxaa uu sheegay in lacagtan ay iska uruuriyeen Soomaali badan, kuwaasi oo ka qeyb qaadanaya gurmadka loo saameynayo dadkii Magaalada Baladweyne uu ku saameeyay fatahaada Wabiga Shabeelle.

Si kastaba waxaa socda gurmad xoogan oo loo sameeynayo dadkii ay saameeyeen fatahaadihii ka dhacay Magaalada Baladweyne, Bardaale iyo Baardheere ee Gobolka Gedo.

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

UK TEL 03306060934

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here