Itoobiya oo raali galin siisay Masar iyo sababta ka dambeyso

LIVE U DHAGEYSO WARKII MAANTA :-0017124329950 USA 7124329950

Wasaaradda Biyaha, Waraabka iyo Tamarta ee Itoobiya ayaa raaligelin ka bixisay khaladkii fasiraad ee warbixintii ku saabsananeyd bilawga buuxinta biyo-xireenka, iyadoona xaqiijisay in wada-hadallada biyo xidheenka ay sii socon doonaan.

Wasiirka Biyaha, Waraabka iyo Tamarta Itoobiya Silici Bekele ayaa warsaxaafadeed uu soo saaray maanta oo Arbaco aheyd ku sheegay in wadahadalada biyo xidheenka Itoobiya ay sii wadi doonaan ayadoo la fiirinaayo danta Ethiopia.

Wuxuu intaas raaciyay: “Si kastaba ha noqotee, waxaan raaligelin ka bixineynaa marin-habaabinta warbixintii hore ee boggayaga iyo kan baraha bulshadaba lagu daabacay kuna saabsaneyd, iney bilaabatay buuxinta biyo xireynka).”

Wasiirka ayaa tilmaamay in wadahadalada ku saabsan biyo xireenka ‘Renaissance Dam’ loo fiirin doonin kaliya faa iidada jiilka hada jira, laakiin sidookale faa iidada jiilka mustaqbalka ayagana la fiirin doono. ”

Wuxuu intaas ku daray in dhererka biyo-xireenka sanadkaan lagu kordhiyay 35 Mitir asigoo markii hore ahaa 525 Mitir balse haatan la geeyay 560 mitir.


Source: warkii.com

Sports News
WARARKII