Italy oo mar kale bar-baro lagu qabtay, Spain oo guul Muhiim ah gaartay, Natiijooyinka Kulamada Isreebreebka Koobka Adduunka ee la Ciyaaray Caawa

Xulka qaranka Spain ayaa guul weyn kasoo hooyey kulan ay ku martigeliyeen Georgia kaddib niyad-jabkii kasoo gaadhay kulankii hore waxaanay ku karbaasheen afar gool oo jawaab la’aan ah.

Jose Gaya iyo Carlos Soler ayaa laba gool oo ay toban daqiiqadood u dhexeeyeen dhaliyey 25-kii daqiiqadood ee u horreeyey ciyaarta, waxaana laba kale ku daray Ferran Torres iyo Pablo Sarabia, halka laba gool oo kalena laga diiday xulka Spain.

Ciyaartan ayuu tababare Luis Enrique kaga soo kabtay natiijadii usbuucii hore ee ay guul-darrada kala soo kulmeen waddanka Sweden, waxaanay hadda dib ugu soo laabteen hoggaanka Group B oo ay toban dhibcood leeyihiin waxaana hal dhibic ka  dambaysa Sweden oo saddex kulan oo kaliya ciyaartay halka Spain ay shan kulan dheeshay.

Dhinaca kale, Talyaaniga ayaa  niyad-jab kale ku habsatay ciyaartii labaad oo xidhiidh ah, waxaanay barbarro goolal la’aan ah la galeen waddanka Switzerland oo ay marti ku ahaayeen halka ciyaartii horena ay barbarro 1-1 ah wada galeen Bulgaria.

Inkasta oo laba ciyaarood oo xidhiidh ah ay guulo la’aan yihiin, haddana Talyaaniga oo 11 dhibcood leh ayaa hoggaaminaya group C iyagoo shan kulanna ciyaaray, waxaana kusoo xigta Switzerland oo saddex kulan ka urursatay toddoba dhibcood.

Poland ayaa xasuuqii ugu weynaa geysatay toddobaadkan waxaanay 7-1 ku burburiyeen San Marino oo ay marti u ahaayeen, waxaana laba ka mid ah goolasha dhaliyey Robert Lewandowski.

natiijooyinka kulamadii caawa ee isreeb-reebka Koobka Adduunka ee qaaradda Yurub

Belarus 2 – 3 Wales

Bulgaria 1 – 0 Lithuania

England 4 – 0 Andorra

Albania 1 – 0 Hungary

Iceland 2 – 2 North Macedonia

Kosovo 1 – 1 Greece

Spain 4 – 0 Georgia

Switzerland 0 – 0 Italy

Belgium 3 – 0 Czech Republic

San Marino 1 – 7 Poland

Germany 6 – 0 Armenia

Romania 2 – 0 Liechtenstein

Source: warkii.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here