Isku-aadka Champions League & Europa League Ee Maanta Iyo Wax Walba Oo Aad Uga Baahan Tahay Inaad Ka Ogaato

LIVE U DHAGEYSO WARKII MAANTA :-0017124329950 USA 7124329950

Tartanka Champions League ayaa soo laaban doona bisha August isaga oo qaabkiisu ka duwan yahay sidii lagu yaqaanay, loona habeeyey sidii tartan gaaban oo hal goob lagu dhamaystirayo.

Jimcaha maanta ayaa la samaynayaa isku-aadka wareegyada siddeed-dhamaadka, laba dhamaadka iyo finalka, kuwaas oo dhamaantood ka dhici doona magaalada Lisbon ee waddanka Portugal.

Isku-aadka ayaa  la bilaabi doonaa marka ay 1-da duhurnimo waxa  lagu shaacin doonaa sida ay kooxuhu u wada ciyaari doonaan wareegyada hadhay, iyadoo xisaabta lagu darayo kulamadii ka hadhsanaa wareeggii 16ka oo afar kooxood laga sugayo inay kasoo baxaan, kuwaas oo UEFA ay go’aamisay inay ka dhacaan garoomadii marka hore loo qoondeeyey si ay usoo kala baxaan, kaddbna naadiyada soo gudba ay iska soo xaadirin doonaan waddanka Portugal.

Kooxaha soo gudbay iyo kuwa la sugayo

Atalanta, Atletico Madrid, Paris St-Gemrain iyo RB Leipzing ayaa iska xaadiriyey wareegga sideed-dhamaadka oo sugaya kaliya inay ogaadaan naadiyada ay la ciyaari doonaan.

Wareegga 16ka waxay min hal kulan u hadhsan yihiin siddeed kooxood oo afar ka mid ah ay usoo gudbi doonaan siddeed-dhamaadka ama quarter finalka.

Natiijooyinka kooxaha kulamadu iskugu hadhsan yihiin

  • Manchester City v Real Madrid (2-1)
  • Bayern Munich v Chelsea (3-0)
  • Barcelona v Napoli (1-1)
  • Juventus v Lyon (0-1).

Sidee ayaa isku-aadka loo samaynayaa?

Saddex isku-aad ayaa dhacaya maanta oo kaliya. Isku-aadka hore waxa loo samayn doonaa wareegga siddeed-dhamaadka, midka labaadna waxa uu noqonayaa laba dhamaadka (semi-final)ka, halka midka saddexaadna yahay garoomada lagu ciyaarayo oo inkasta oo waddanka Portugal ay dhamaan kooxuhu joogaan haddana kooxna loo tixgelin doono inay hoygeedii joogtay midda kalena marti tahay.

Miyaa kooxaha isku-addanka ah la kala ilaalinayaa

Dhamaan kooxaha ayaa si siman loogu samaynayaa qori-tuurka, mana jiro sharci loo cuskanayo in naadiyada isku waddanka ah la kala ilaaliyo, taas oo ka dhigan in naadiyo isku dal ah ay isku beegmi karaan.

Sidee loo ciyaarayaa?

Wareeg kasta waxa lagu kala baxayaa hal ciyaar oo kaliya, waxaana kooxda hal ciyaar laga badiyaa ay u duuli doontaa dalkeeda maadaama aanay wax rajo ah oo u hadhay jirin. Labada kooxood ee ciyaartoodu barbarro ku dhamaato, waxa natiijadooda lagu go’aamin doonaa waqti dheeraad ah iyo rikoodheyaal.

Dhamaan kulamadu waxay ka dhici doonaan garoonka Sporting CP ee Estadio Jose Alvalade ama garoonka Benfica ee Estadio da Luz oo midka dambe ay ka dhici doonto ciyaarta finalka oo laga soo wareejiyey magaalada Istanbul oo markii hore loo qoondeeyey.

Waqtigee la ciyaari doonaa kulamada?

7-8 August: Waxa la ciyaarayaa kulamadii ka hadhsanaa wareegga 16ka

12-15 August: Wareegga siddeed-dhamaadka (quarter finals) ayaa la ciyaarayaa

18-19 August: Kulamada Semi-finalka ayaa dhacaya

23 August: Finalka ayaa la ciyaari doonaa.

Saacaddee ayay ciyaaruhu bilaabmi doonaan?

Dhamaan ciyaaruhu waxay bilaabmi doonaan marka ay saacaddu tahay 20:00 BST.

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net


Source: warkii.com

Sports News
WARARKII