Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya is-rasaaseyn khasaare sababtay oo saaka ka dhacday isgoyska Dabka ee magaalada Muqdisho, kadib markii ay dagaalameen ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya iyo rag hubeysan.

Iska hor imaadka ayaa yimid, kadib markii ay kooxo hubeysan oo ka degtay mooto ay rasaaseeyeen ciidamo ka tirsan kuwa dharcadda nabad-sugida oo ku sugnaa halkaasi, waxaana labada dhinac dhexmartay is-rasaaseyn khasaare kala duwan geysatay.

Inta la xaqiijiyey waxaa dagaalkaasi ku dhintay ugu yaraan labo qof, iyadoona uu ku dhaawacmay mid kale, sida ay sheegeen dad goobjoogayaal ah.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in mid ka mid ah ragga weerarka geystay nolosha lagu qabtay isaga oo dhaawac ah, waxaana la geeyey isbitaal.

Ciidamo dheeraad ah oo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa sidoo kale gaaray meesha ay wax ka dhaceen, kuwaas oo gacanta ku dhigay tiro dad ah oo u badan dhalinyaro.

Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha hay’adaha amniga dowladda oo ku aadan iska hor imaadkaasi.

Muddooyinkii u dambeeyey ayaa waxaa Muqdisho ka dhacayey falal isugu jira weeraro, qaraxyo iyo dilal qorsheysan oo qaarkood ay sheegatay kooxda Al-Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here