Inter Milan oo ku jirta “wadahadalo horumarsan” oo lagu kordhinayo qandaraaska Lautaro Martinez

Madaxa fulinta ee kooxda Inter Milan Beppe Marotta ayaa war wanaagsan ka bixiyay xaaladda qandaraaska Lautaro Martinez ee kooxda.

Ka dib bixitaankii Romelu Lukaku ee Chelsea, Nerazzurri ayaa si aad ah u dooneysay inay sii haysato 24 jirkaan, kaasoo lala xiriirinayay inuu u dhaqaaqayo Premier League xagaagan, iyadoo kooxaha ku xafiiltama Waqooyiga London ee Tottenham Hotspur iyo Arsenal la rumeysan yahay inay muujiyeen xiisahooda.

Martinez wuxuu arki doonaa qandaraaskiisa haatan oo dhacaya 2023, si kastaba ha ahaatee Marotta ayaa xaqiijiyay in kooxdu ay wada xaajood toos ah kula jirto Argentine si loo kordhiyo heshiiskiisa.

“Waxaan ku jirnaa wadahadalo heer sare ah si aan u kordhino heshiiska Lautaro Martinez sida ciyaartoyda kaleba. Waan ku kalsoonahay – wax dhibaato ah kuma jiraan xaaladaha qandaraaska”, Marotta ayaa u sheegay Sky Sports News ee Italy.

Marotta ayaa sidoo kale ku rajo weyn in kooxda heysata horyaalka Scudetto ay qandaraasyo cusub ku xiri karto labada xiddig ee reer Croatia Marcelo Brozovic iyo Ivan Perisic , maadaama qandaraaskooda hadda uu dhacayo xagaaga soo aadan.

Martinez ayaa ku riyaaqay olole cajiib ah Inter xilli ciyaareedkii hore, isagoo dhaliyay 19 gool 11 kalena caawiyey 48 kulan oo uu saftay tartamada oo dhan.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda

Source: warkii.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here