Imaaraadka Carabta Oo War Kasoo Saaray Qaraxii Shalay Lala Eegtay Injineero Turki Ah

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa muddo kadib waxaa ay si kulul uga hadashay Qaraxii shalay ka dhacay Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose, kaasi oo lala eegtay Injineero Turki ah iyo Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska dowladda oo ilaalo u ahaa.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha dibadda Imaaraadka ayaa waxaa lagu Cambaareeyay qaraxii lala eegtay Injineero Turki ah oo dhisayay wadada isku xirta Degmada Afgooye iyo Muqdisho, waxaana qaraxa ka dhashay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Sidoo kale Wasaaradda Arrimaha dibadda Imaaraadka ayaa tacsi u dirtay dhammaan Ehelada dadkii waxyeelada kasoo gaartay qaraxii shalay, iyagoona sheegay inay ka xun yihiin weerarkaas Ismiidaaminta ahaa.

Ugu yaraan 15 qof oo 6 kamid ah ay yihiin Shaqaale Turki ah iyo 9-qof kale oo Soomaali ah ayaa ku dhaawacmay qaraxii ka dhacay Degmada Afgooye, isla markaana waxaa ku dhintay 4 ruux, waxaana Mas’uuliyadiisa sheegtay Al-shabaab, iyagoona xusay inay ku dhaawaceen 4 qof oo Turki ah.

Qaraxii ugu Khasaaraha badnaa ee 28-kii Bishii December sanadkii tegay ka dhacay Ex-koontarool Afgooey ayaa Wargeysto kasoo baxa dalka Turkiga waxaa ku eedeeyeen in qaraxaas ay ka dambeysay dowladda Imaaraadka Carabta, halka dowladda Soomaaliya gaar ahaan Hay’adda NISA ay sheegtay in qaraxaas uu ka dambeeyay dal shisheeye.

Si kastaba Qaraxii Ex-Koontaraaol ayaa waxaa ku dhintay in badan 90 ruux, halka 150 qof kalena ay ku dhaawacmeen, waxaana Mas’uuliyadiisa sheegtay Al-shabaab, iyagoona tilmaamay inay la eegteen Injineero Turkiga iyo Askar badan oo ka tirsan dowladda.

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

UK TEL 03306060934

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here