ilaalada mid ka mid ah Wasiirada XF oo Muqdisho ku dilay shaqaalo ka tirsan DF

LIVE U DHAGEYSO WARKII MAANTA :-0017124329950 USA 7124329950

Ciidamo la sheegay in ay ka tirsan yihiin dowladda Soomaaliya, islamarkaana ilaalo u ahaa Mid ka mid ah Golaha Wasiiradda ayaa maanta Muqdisho ku dilay mid ka mid ah Shaqaallaha Xafiiska Xeerilaaliyaha Qaranka.

Dilka ayaa ka dhacay Tre-piano ee Waddada Maka Almukarrama.

Dilka Maxamed ayaa yimid ka dib markii ay ka shakiyeen gaariga uu watay Ciidamo la sheegay in ay ilaalo u ahaayeen Wasiirka Caddaaladda dowladda Soomaaliya.

Xeerilaaliyaha Qaranka Suleymaan Maxamed Maxamuud ayaa ka tacsiyay dilka Maxamed waxaana uu sheegay in gacanta lagu dhigay gacan ku dhiiglihii Dilka geystay.

“Waxaan la wadaagayaa qoyska, ehelada iyo shaqaalaha xafiiska Xeer-ilaaliya Guud ee Qaranka tacsi tiiraanyo leh geeridii naxdinta lahayd ee ku timid Maxamed Cabdulqaadir Cilmi oo gacan ka xaqdaran ku dishay maantay magaalada Muqdisho. Marxuumku wuxuu kamid ahaa hawladeenada Xafiiska, wuxuuna ahaa shaqsi firfircoon oo kart iyo howl karnimo ku sifoobay. Waxaan alle uga baryayaa in uu u danbi dhaafo, jannadiisana uu geeyo. Aamiin, aamiin.

Gacan-ku-dhiiglahi dilay marxuuka waa la xiray, waxaana socota baaritaan dilkii marxuumka” Ayuu yiri Suleiman Maxamed Maxamud.


Source: warkii.com

Sports News
WARARKII