Ii Keena!! – Lionel Messi Oo Tababare Aanad Hore Uga Fikirin Oo Layaab Kugu Noqonaya Ka Codsaday Madaxda Sarre Ee Barcelona

LIVE U DHAGEYSO WARKII MAANTA :-0017124329950 USA 7124329950

Advertisements

Kabtanka kooxda Barcelona ee Lionel Messi ayaa lagu soo warramayaa inuu si lama filaan ah u dalbaday in kooxda loogu keeno macalinka Leeds United ee Marcelo Bielsa oo uu u arko mid jagada tababarenimo ka bedeli kara Quique Setien oo hadda haya.

Barcelona ayaa xaalad musiibo ah kaga jirta banaanka garoonka kaddib xilli ciyaareed adag taas oo cadaadis ba’an saaraysa tababare Setien oo shaqada la wareegay bishii January ee sanadkan.

Marka laga yimaado inuu Leeds United kusoo hoggaamiyay inay kusoo laabato Premier League, heshiiska tababare Bielsa ayaa ah mid dhacaya toddobaadkan isaga oo aan wali heshiis cusub la meel dhigin kooxda.

Advertisements

Sida uu sheegayo wargeyska The Sun, Messi ayaa doonaya in madaxda Barcelona ay sameeyaan waxkasta oo ay awoodaan si ay ninka ay Argentina kasoo wada jeedaan ugu qanciyaan inuu yimaado Camp Nou.

Messi ayaa si weyn uga xanaaqay xiddigaha ay isku kooxda yihiin gaar ahaan guuldarradii kasoo gaadhay kulankii Osasuna isaga oo ku sifeeyay kuwo liita oo aan joogtayn lahayn.

Warbixinta The Sun ayaa lagu sheegay in Messi uu aaminsan yahay in tababare Bielsa uu yahay ninka ay aadka ugu baahan tahay Barcelona si loo xaliyo dhibaatooyinka ay xilli ciyaareedkan garoonka dhexdiisa iyo banaankiisaba kula kulantay.

64 sano jirkan ayaa shaqooyin cajiib ah soo qabtay tan iyo markii uu Leeds United la wareegay sanadkii 2018, isaga oo kooxdaas ku fuliyay qaab ciyaareed ay kooxaha kale ku qabsato iyo hab ciyaareed cajiib ah oo si fiican ugu haboon Barcelona.

Ugu dambayn, halyeeyga Barcelona ee Xavi Hernandez ayaa sidoo kale lala xidhiidhinayaa jagada tababarenimo ee Barcelona walow la fahamsan yahay inuusan ku qanacsanayn qaska kooxda ka dhex socda haatan.

Advertisements
Advertisements

Laacib.net

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net


Source: warkii.com

Sports News
WARARKII