Hub uruursi iyo Xiisad dagaal oo ka taagan gobolka Sool

LIVE U DHAGEYSO WARKII MAANTA :-0017124329950 USA 7124329950

Xiisadaan dagaal oo u dhaxeyso laba maleshiyo beeleed ayaa waxaa ay maanta ka taagan tahay Degaanka Aricaddeeye oo qiyaastii 30KM dhanka waqooyi kaga beegan Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool.

Shalay ayaa waxaa degaankaas Dagaal Khasaare geystay uu ku dhex-maray labada maleeshiyo Beeleed, kaas oo la sheegay in uu ka bilaawday bogcado dhul oo ku yaalla Degaanka Adhicaddeeye kadib markii ay isku qabsadeen Malayshiyaad ka tirsan Labada dhinac.

Inta la xaqiijiyay dagaalkii shalay ayaa waxaa ku dhaawacmay hal Ruux, iyada oo weli labada maleeshiyo Beeleed ay is-horfadhiyaan,waxaana dadka degaanka Aricaddeeye ay sheegeen inay soo wajahday cabsi ku aadan in dushooda lagu dagaalamao.

Ciidamo ka tirsan kuwa Soomaaliland ayaa gaaray degaanka lagu dagaalamay, hayeeshee aysan weli ku guuleysan inay kala dhex-galaan labada maleeshiyo beeleed ee dagaalamay, kuwaas oo xisad dagaal oo u dhaxeysa saakay laga dareemayo deegaankaas.

Dagaal Beeleedyada ayaa dhowr jeer oo hore waxaa ay kusoo laab laabteen deegaano ka tirsan gobolka Sool, iyada oo Soomaaliland aysan ku guuleysan inay xal ka gaarto dagaal Beeleedyadaas.


Source: warkii.com

Sports News
WARARKII