Hordhac: Watford vs. Manchester City – Miyuu Pep Guardiola Cadhada Guul-darradii Arsenal Kula Dhici Doonaa Watford?

LIVE U DHAGEYSO WARKII MAANTA :-0017124329950 USA 7124329950

Advertisements

Manchester City oo guul-darro xanuun badan kasoo gaadhay semi-finalka FA Cup oo ay Arsenal kaga soo reebtay 3-1 ayaa u tegaysa Watford, waxaanay isku diyaarinaysaa inay jawaab bixiso oo ay guul-darradaas ku beddesho guul weyn oo ay ka gaadho Hornets.

Citizens oo horyaalka Premier League kaga jirta kaalinta labaad, xilli horena xaqiiqsatay in booskeedu aanu carqalad la kulmayn, waxay waajahaysaa Watford oo qaybtii hore ee xili ciyaareedka dhibaatooyin waaweyn lasoo kulantay, marna ahayd kooxda ugu hoosaysa laakiin hadda ku jira meel badqab u eg, taas oo ay kusii xaqiijisan karayaan haddii ay guul ka gaadhaan Man City ama ay ugu yaraan hal dhibic ka helaan, si ay uga sarrayn karaan Aston Villa oo saddex dhibcood ka hoosaysa laakiin soo qaban doonta haddii ay ka badiso Arsenal.

Tababare Pep Guardiola ayaan dareen wayn siinayn kulanka maanta marka laga reebo inuu raadin doono inuu dariiqa guusha kusoo laabto, laakiin waxa uu haddaba kasii fikirayaa Champions League oo lugta labaad ee wareegga 16ka ay ku ballansan yihiin Real Madrid, iyadoo bishii February uu ciyaartii Santiago Bernabeu kooxdiisu 2-1 kusoo adkaatay.

Tartanka FA Cup ee laga cidhib tiray, waxa uu ka dhigan yahay in Man City ay kaliya xili ciyaareedkan ku guuleysatay koobka EFL Cup, rajada kaliya ee u hadhayna ay tahay Champions League oo ay u dagaallamaan.

Advertisements

Lixdii ciyaarood ee ugu dambeeyey, Watford waxay soo heshay lix dhibcood, iyadoo afarta kalena laga badiyey, laakiin Manchester City ayaa iyaduna afar guulood soo xoogsatay, labada kalena laga badiyey.

Xogta Kulanka

Ciyaarta: Watford vs Manchester City

Tartanka: Premier League, kulamada 37aad

Waqtiga: 8pm – Saacadda Geeska Afrika

Garoonka: Vicarage Road Stadium

Wararkii ugu dambeeyey ee labada kooxood

Guardiola waxa uu isbeddelo waaweyn ku samaynayay kooxdiisa kulamadii ugu dambeeyey, iyadoo uu shan ciyaartoy oo aan kulankii hore dheelin keenay ciyaartii Arsenal ee Sabtidii.

Kevin de Bruyne iyo Raheem Sterling ayaa ka mid ahaa ciyaartoydii kulankii u dambeeyey kusoo laabtay, waxayse mar kale rajaynayaan inay maalintooda noqon doonto oo ay kusoo bilaaban doonaan.

Sergio Aguero ayaa ah ciyaartoyga kaliyda ee dhaawaca kaga maqan Manchester City, waxaana kooxda kusoo laabtay Claudio Bravo inkasta oo uu shaki ku jiro inuu taam u yahay kulamada toddobaadkan.

Dhinaca Watford, waxa ciyaartan ka maqan Gerard Deulofeu oo dhaawac jabniin ahaa oo horraantii xili ciyaareedka gaadhay wali soo kabashadiisa ku jira iyo Daryl Janmaat.

Advertisements

Shaxda macquulka ah ee labada kooxood

Watford: Foster; Femenia, Kabasele, Dawson, Mariappa; Hughes, Doucoure; Sarr, Capoue, Welbeck; Deeney

Manchester City: Ederson; Cancelo, Stones, Otamendi, Zinchenko; Fernandinho, Rodrigo, Doyle; Mahrez, Jesus, Bernardo.

Advertisements

Laacib.net

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net


Source: warkii.com

Sports News
WARARKII