Hordhac: Valencia Vs Real Madrid, Kulankooda La Liga Spain, Shaxda Macquulka, iyo Xidigaha Dhaawaca uga Maqan Kulankan

Kooxda Valencia ayaa Kulan ka tirsan Horyaalka LaLiga Spain la Ciyaareysa Kooxda Real Madrid, Labada Kooxood ayaa Ku Ciyaaraya Garoonka Estadio Mestalla, Real Madrid ayaa Badisay Kulankeeda ugu Danbeeyay lakin waxay heysataa Dhaawacyo Badan.

Wararka Labada Kooxood

Valencia: Cristiano Piccini iyo Denis Cheryshev ayaa qaba dhaawacyo waxaana laga saaray kulankaan. Cristian Rivero ayaa ka soo kabsaday jugtii soo gaartay.

Toni Kroos, Dani Ceballos, Gareth Bale, iyo Marcelo ayaa dhaawac ah waxaana laga saaray kulankaan. Ferland Mendy ayaa sidoo kale la dhibtoonaya taam ahaanshihiisa waxaana laga yaabaa inuusan ciyaarin kulankaan Macalinka Kooxda ayaa Sheegay Iix Xidig dhaawac ka yihiin Kooxda.

Shaxda Macquulka ee Labada Koox

Valencia XI (4-4-2): Giorgi Mamardashvili; Gabriel Paulista, Omar Alderete, Jose Gaya, Thierry Correia; Hugo Guillamon, Daniel Wass, Carlos Soler, Dimitri Foulquier; Goncalo Guedes, Maxi Gomez.

Real Madrid Shax (4-3-3): Thibaut Courtois; Dani Carvajal, Eder Militao, David Alaba, Nacho; Casemiro, Federico Valverde, Luka Modric; Vinicius Junior, Eden Hazard, Karim Benzema

Xaqiiqooyinka Labada Kooxood

Real Madrid ayaa rikoor cajiib ah ka heysata Valencia waxaana ay badiyeen 10 ka mid ah 20 kulan oo ay wada ciyaareen labada kooxood.

 Valencia ayaa maareeysay lix guul oo ay ka gaartay Real Madrid waxayna u baahan doontaa inay xoojiso kulanka.

Ciyaartii hore ee labada kooxood ayaa dhacday bishii Febraayo ee sanadkan waxayna ku soo dhamaatay 2-0 oo ay ku badisay Real Madrid.

Valencia ayaa ku guuldarreysatay inay saameyn ku yeelato maalintaas waxayna leedahay dhibic ay ku caddeyso toddobaadkan.

Valencia Vs Real Madrid 

Tartanka LaLiga Spain

Saacada (22:00pm Somalia) (21:00pm Yurub)

Garoonka Estadio Mestalla

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: warkii.com