Hordhac: Tottenham vs Arsenal | Mourinho vs Arteta – Dagaalka Macalinka & Ardayga, Shaxaha Macquulka Ah Iyo Wararkii U Dambeeyey

LIVE U DHAGEYSO WARKII MAANTA :-0017124329950 USA 7124329950

Tottenham iyo Arsenal ayaa isku haleelaya kulanka loo yaqaano North London derby oo doorkan ka xamaasad badan intiisii hore. Spurs ayaa uu dagaallamaysa inay sare ugu soo kacdo boosaska sare oo ay tartanka Europa League meel ku yeelan karto, sidaas oo kalena Gunners ayaa isla boos ka rabta tartankaas.

Labada kooxood oo wadaaga duruufaha adag ee ay ku wada jiraan, waxa kala hoggaaminaya Jose Mourinho iyo Mikel Arteta oo macallin iyo arday isku ahaa waqtigii ay Barcelona wada joogeen, iyadoo uu Jose ahaa tababare ku-xigeenkii Van Gaal xilli uu Arteta ahaa canug yar oo markaas ku jiray kulliyadda La Masia.

Tottenham oo ku jirta kaalinta 10aad ee horyaalka Premier League waxay usoo dallici kartaa kaalinta siddeedaad haddii ay guuleysato, sidaas oo kalena waxa saddexda dhibcood ee ciyaarta aad ugu baahan Arsenal oo geli karta kaalinta 7aad.

Lixdii ciyaarood ee ugu dambeeyey ee horyaalka Premier League Tottenham waxa laga badiyey hal mar, laakiin guusha ayaa ku yarayd oo laba jeer oo kaliya ayay soo guuleysteen, halka saddex marna ay barbarro galeen, iyagoo soo urursaday dhibco dhan sagaal.

Arsenal waxay dhinaceeda lixdii kulan ee ugu dambeeyey ka heshay 10 dhibcood oo ugu yimid saddex guulood, ciyaar barbarro ah iyo laba kulan oo isku xigay oo laga badiyey.

Xogta kulanka

Ciyaarta: Tottenham vs Arsenal

Tartanka: Premier League, kulamada 35aad

Waqtiga: 6:30pm – Saacadda Geeska Afrika

Garoonka: Tottenham Hotspur Stadium

Wararkii ugu dambeeyey ee labada kooxood

Tottenham waxa afar ciyaarood laga ganaaxay laacibka reer England ee Eric Dier oo khadka difaaca uu u beddelay, isla markaana bandhig fiican ka samaynayay, waxaana lagu haystay ficil uu bishii March sameeyey kulan ka tirsanaa FA Cup oo uu dusha sare ee garoonka kula soo dagaallamay taageere aflagaadeeyey.

Dele Alli ayuu shaki ku jiraa inuu taam u noqonayo kulankan, iyadoo labadii ciyaarood ee ugu dambeeyey uu ku seegay dhaawac fudud oo muruqa ka gaadhay. Japhet Tananga, Troy Parrott iyo Juan Foyth ayaa iyaguna dhaawac ah oo aan ciyaartan wax fursad ah u helayn.

Tababare Jose Mourinho waxa la filayaa inuu isbeddel ku samayn doono shaxdii uu kula ciyaaray Bournemouth, taas oo uu fadhiisiyey Son oo uu ka door biday Lucas Moura iyo Erik Lamela oo kasoo homaray Steven Bergwijn.

Dhinaca Arsenal, waxa ganaax ku maqan Eddie Nketiah oo casaan toos ah ku baxay kulankii Leicester.

Matteo Guendouzi iyo Mesut Ozil ayaa mar kale garoomada ka maqnaan doona, waxaanay liiska ciyaartoyda aan joogin kula biirayaan Bern Leno, Calum Chambers, Pablo Mari iyo Gbriel Martinelli.

Shaxda macquulka ah ee labada kooxood

Tottenham Hotspur: Lloris; Aurier, Alderweireld, Vertonghen, Davies; Sissoko, Winks, Lo Celso; Lucas, Kane, Son

Arsenal: Martinez; Mustafi, Luiz, Kolasinac; Bellerin, Xhaka, Ceballos, Tierney; Saka, Lacazette, Aubameyang

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net


Source: warkii.com

Sports News
WARARKII