Hordhac: Southampton vs Man City – Guardiola Oo Wacdarihiisa Sii Wata, Wararkii Ugu Dambeeyey Iyo Shaxda Macquulka Ah Ee Kulanka

LIVE U DHAGEYSO WARKII MAANTA :-0017124329950 USA 7124329950

Kaddib guushii wyenayd ee ay ka gaadheen Liverpool oo lagu tilmaamay mid xasuuq ahayd, waxay City safar ugu tegaysaa Southampton oo iyaduna guul raaxo leh kasoo gaadhay Watford oo kulankii ugu dambeeyey ay ku garaacday.

Southampton oo mar cabsi ay ka haysay inay ku noqdaan heerka labaad, waxay gaadheen 40 dhibcood oo badqab uga dhigay booskooda horyaalka ee xili ciyaareedka dambe, iyagoo 13 dhibcood ka sarreeya kooxda ku jirta kaalinta 18aad, laakiin lixda ciyaarood ee ugu hadhay tartanka horyaalka Premier League ayaa ah kuwo adag.

Manchester City marka ay kala dhamaadaan, waxa ay Southampton la ciyaari doontaa Manchester United iyo Everton, waxayse isku hallaynayaan bandhigga weeraryahanka goolashu u furmeen muddooyinka dambe ee Danny Ings oo laba gool kasoo dhaliyey Vicarage Road, isla markaaana 18 haysta, halka uu Vardy iyo Aubameyang oo kaliya oo ka sarreeya uu hiigsanayo.

Dhinaca Manchester City, waxay waqti horeba horyaalka uga hadheen Liverpool oo ku guuleysatay, waxayna kaliya ku niyadsan yihiin in booskooda labaad oo aanay cidina ku haysan ay sii xajistaan.

Kevin de Bruyne, Raheem Sterling, Phil Foden iyo gool uu isku  leexiyey Alex Oxlade-Chambarlain ayaa Man City ugu filnaaday inay Etihad Stadium ku bahdisho Liverpool, waxaanay natiijadaasi ahayd farriin uu Pep Guardiola dirayay oo ku waajahan xili ciyaareedka dambe iyo wacdaraha uu dhigi doono.

FA Cup-ka oo ay semi-finalka u gudbeen, lana ciyaari doonaan Arsenal iyo Champions League oo ay wareegga 16ka is-araggii labaad ugu hadhay Real Madrid oo ciyaartii hore ay kasoo badisay, waxa Pep Guardiola uu haystaa fursado uu koobab waaweyn ku qaadi karo, iyadoo uu mar horeba meel dhigtay Carabao Cup.

Lixdii ciyaarood ee ugu dambeeyey ee horyaalka Premier League, afar guulood iyo laba khasaare ayay Manchester City soo gashay, waxaana waxyar ay dhaamaan Southampton oo saddex guul-darro iyo saddex guulood soo helay.

Xogta kulanka

Ciyaarta: Southampton vs Manchester City

Tartanka: Premier League

Waqtiga: 9pm – Saacadda Geeska Afrika

Garoonka: St. Mary’s Stadium

Wararkii ugu dambeeyey ee labada kooxood

Kabtanka Southampton ee Pierre-Emile Hojbjerg oo lala xidhiidhinayo inuu ka tegayo kooxdiisa marka uu dhamaado xili ciyaareedku ayaan ciyaartan fursad u helayn, waxaanu qabaa dhaawac kuraanta ah. Laakiin Sofiane Boufal ayuu tababaruhu taxadar ka muujin doonaa xaalkiisa oo uu dhakhaatiirta amar uga qaadan doonaa haddii uu ciyaarsiin karo ilaa daqiiqadaha ugu dambeeya, maadaama uu ka cabanayay muruq yara giigsamay.

Moussa Djenepo iyo Jack Stephens ayaa kusoo laaban doona safka  koowaad iyagoo soo dhamaystay ganaax.

Dhinaca City, waxay dib u heli doonaan Fernandinho oo ganaax laba ciyaarood ah ku maqnaa, kaddib kaadhkii casaa ee uu qaatay ciyaartii Chelsea, waxaana la filayaa in khadka dhexe ama difaaca uu kusoo bilowdo.

Pep Guardiola oo isbeddello ku samaynayay kooxdiisa, waxa la saadaalinayaa in Joao Cancelo iyo Oleksandr Zinchenko ay kusoo bilaaban doonaan, halka Riyad Mahrez oo qaab wanaagsan ku jira uu isaguna booskiisa heli doono.

Shaxda macquulka ah ee labada kooxood

Southampton: McCarthy; Walker-Peters, Bednarek, Stephens, Bertrand; Armstrong, Ward-Prowse, Romeu, Redmond; Ings, Long

Manchester City: Ederson; Cancelo, Laporte, Fernandinho, Zinchenko; Rodri, De Bruyne, Foden; Mahrez, Jesus, Sterling

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net


Source: warkii.com

Sports News
WARARKII