Hordhac: Real Madrid Vs Osasuna: Los Blancos Oo Rikoodh Fiican Ku leh Osasuna

Kooxda Real Madrid ayaa marti galin doonta kooxda Osasuna kulan ka tirsan todobaadkii 6-aad ee horyaalka La Liga kulan ka dhici doona garoona Santiago Bernabue.

Los Blancos ayaa kulanka soo galaysa iyaga oo doonaya in ay sii wataan guulaha kadib guushii cidhiidhiga ahayd ee ay ka gaadheen kooxda Sevilla Axadii.

Dhanka kale Osasuna oo ka yaabsatay kooxda Barcelona ayaa doonaysa in ay isla wadadaas Mariso kooxda Real Madrid marka ay ka hor tgaan.

Kulanka: Real Madrid Vs Osasuna

Tartanka: La Liga

Wakhtiga: 10:00

Garoonka: Santiago Bernabue

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Rela Madrid ayaan wax guuldaro ah kala kulmin kooxda Osasuna 8-dii kulan ee ugu dambeeyay horyaalka La Liga iyada oo guuldaradii ugu dambaysay ee ka soo gaadhay ahayd Janury 2011.

Real Madrid ayaa badisay 9-kii kulan ee ugu dambeeyay ee ay Osasuna ku marti galisay garoonkeeda Santiago Bernabue iyada oo cel-celis ahaan ka dhalisay 3.4 gool.

Osasuna ayaan guuldaro la kulmin 5-tii kulan ee ugu dambeeyay ee horyaalka La Liga hal guul iyo 4 bar-baro ayay galeen iyaga oo 4-tii kulan ee ugu dambeeyay bar-baro galay.

Real Madrid ayaa ku fashilantay in ay ilaashato shabaqeeda 4-tii kulan ee ugu dambeeyay ee ay ku ciyaartay garoonkeeda iyada oo markii ugu dheerayd ee ay shabaqeeda ilaashan waydo ayaa ahayd April 2015 markaas oo ay 5 kulan ilaashan waayeen shabaqooda.

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

UK TEL 03306060934

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here